Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Hadda Ka Soo Degay Garoonka Aadan Cade

0

29938_NpAdvHoverMuqdisho(AGGM) Horjoogaha  Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam iyo xubno la socda ayaa hadda ka soo dagay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho,waxaana wararku sheegayaan inuu halkaasi ku soo dhaweyey gudoomiyaha Gobolka Banadir Tarsan iyo xubno la socda.

Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni iyo xubnaha la socda ayaa la sheegayaa in hadda loo qaaday dhinaca Huteel ay ka degayaan magaalada Muqdisho halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaan doonaan ilaa iyo inta ay la kulmi doonaan Madaxda dalka Soomaaliya,waxaana la sheegaya in aan wali la xaqiijin xilliga dhabta ah ee ay la kulmi doonaan madaxda dawladda.

Waxaa lagu wadaa in madaxda dalka iyo Axmed Madoobe ay ka wada hadlaan xilliga ugu haboon & meesha ugu haboon ee lagu qaban karro shir dib u heshiisineed kaasi oo la dhex dhigo dadka soo jeeda degaanada Jubooyinka,waxaana lagu wada in shirkaasi ka dhaco Magaalada Muqdisho ama kismaayo .

Horjooge Axmed Madoobe oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii Kooxihii islaamiyiinta ayaa Muqdisho ugu dambeysay sanadkii 2009-kii mar Xildhibaanimo lagu soo daayay dowladdii Sheekh Shariif xilli uu ku xirnaa dalka Itoobiya, hase ahaatee markii uu tagay Kismaayo ka baxay, kuna biiray Ururkii Xisbul Islaam, waxaase uu mar kale qeyb ka ahaa dagaalkii Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam dowladda Soomaaliya ku soo qaadeen bishii May ee sanadkii 2009-kii, xilligaasoo dowladda lagala wareegay inta badan Muqdisho.

Dabayaaqadkii sanadkii 2009-kii ayaa Horjooge Axmed Madoobe iyo ciidamadiisa laga saaray Kismaayo, kadib markii uu khilaaf ka dhashay maamulkii meertada ahaa ee Kismaayo ka jiray, iyadoo dagaal dhex maray isaga iyo Al-Shabaab looga itaal roonaaday,isla markaasna uu mudo dheer duurka ku jirey,waxaana taasi keentey inuu ciidamo shiisheeyey u soo hogaamiyo dalka soomaliya oo gumeysin hor leh gelinaya.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa soo hogaamiyay Ciidamada Kenya ee mar dambe ku biiray howl galka Amisom, waxaana sanadkii sanadkii hore u suura gashay inay qabsadaan magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kaga dhawaaqay maamulka Jublanad, kaasoo markii dambe dowladda mucaaraday, khilaaf iyo is jiid jiid kadibna wada hadalo ka dhacay Addis Ababa lagu heshiisiiyay isaga iyo dowladda,looguna magac darey Maamulka Jubba ee KMG ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com