Xaaladda Caafimaad Ee Degmada Ballanbale Oo Laga Dayrinayo.

0

isbitaalka-balanbale5Caabudwaaq (AGGM): Waxaa laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee degmada Ballanbal ee gobolka Galgaduud iyo deegaannada kale ee hoos yimaada.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ballanbal, Maxamuud Maxamed Cabdi Istuuraaye ayaa Warbaahinta u sheeegay in ay jirto dawo la’aan daran iyo cabsi laga qabo cudurro faafa oo ka dillaaca degmada.

Is-tuuraaye ayaa tilmaamay in muddo hal sano ahba ay taagnaayeen howlihii caafimaad ee degmada oo ay ugu daran yihiin xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyo dadka soo barakacay ee ku nool xeryo ku yaalla Ballanbal.

Wuxuu intaas ku daray in xilligan oo ah gabagabada jiilaalka ayna yaraadeen biyaha nadiifka ah iyo curashada roobabka oo la filayoba ay yihiin xilliyada ugu daran ee ay dillaacaan cudurrada faafa.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka codsaday dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka in ay wax kaqabtaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira degmada, gaar ahaanna caafimaadka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com