Fafaahin Dheeri Ah Oo Kasoo Baxeysa Weeraradii Xalay Ee Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho6Muqdisho (AGGM): Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somalia habeenkii Xalay Waxa ay marti U noqotay Weraro Madafiic Iyo Qaraxyo ahaa kuwaas Oo ka dhacau qaar badan Oo kamida Degmooyinka Gobolka banaadir.

Degmooyinka Ay Madafiicdu kusoo dhacday waxaa kamida ah Degmada Wardgiigley Dhabarka Dambe Ee Madax tooyada,Degmada Xawar weyne Nawaaxiga bacadlaha,Degmada Waaberi Agagaarka saldhiga Police-ka Degmadaasi.

Waxaa sidoo kale jirtay Wiil dhalinyaro ah Oo Isku qarxiyay Nawaaxiga Masjidka Sh,Cali Suufi kaas Oo Magaciisa Lagu sheegayC/raxmaan Cabdi Diiriye Waxaa La sheegay In Uu damacsanaa Inuu Galo Goob Ciidan AY Kusug nayeen Lakin Intuusan Garin Uu Qarxay Sida ay sheegen hay’addaha Amniga Ee Dowlada Somalia.

Xaalada Ayaa saaka Dagan waxaana Wadooyinka lagu Arkayaa Ciidamo farabadan Oo Lasoo dhigay kuwaas Oo qeybo kamida Sameynaya Baaritaano la sheegay In Amniga Lagu Xaqiijinaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com