Ganacsade Cabdirashiid Shire “Ilqeyte” Oo Noqday Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Banaadir.

0

sawirMuqdisho (AGGM): Ganacsade Cabdirashiid Shire Ilqeyte ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Banaadir.

Shirweynaha ganacsatada gobolka Banaadir  oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay Cabdirashid Ilqeyte iyo iyo Faadumo Mayoow, waxaana codeynta ku guuleystay Ilqeyte.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo in ganacsatada gobolka ay doortaan hoggaan ay ku mideysan yihiin, wuxuuna ganacsatada u soo jeeday in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo horumarka dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Rugta ganacsiga gobolka Banaadir Cabdirashiid Shire ayaa sheegay in uu la imaan doono waxqabad, isla markaana uu horumarin doono ganacsiga Soomaaliyeed, gaar ahaan kan gobolka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com