War Deg Deg Ah: Shiikh Cabdi Cali Fiidow Oo Xilka Qaadiis Lagu Sameeyey

0

CABDI-CALI-FIIDOOW-TOOSIYE-NEWS-ONLINECaabudwaaq(AGGM) Gudoomiyihi Guddiga Fulinta Ahlusuna waljameeca ayaa maanta cod aqlabiyad ah xilka qaadis looga sameeyey,ka dib markii maamulka Ahlusuna waljameeca ee gobollada dhexe eedeyn u jeediyeen. Kulan muhiim ah oo ay yesheen golaha shuuradda Ahlusuna Waljameeca ee gobolka Galgadduud ayaa xilka qaadistaasi ku sameeyey.

Xubnaha Golaha shuuradda ee Ahlusuna Waljameeca oo tiradooda lagu sheegay inay ahayd 29 mudane ayaa la sheegay inay cod gacan taag ah ugu codeeyeen,waxaana 28 ka mid ahi ku codeeyeen inay xilka qaadis ku sameyaan Shiikh Cabdi Cali Fiidow oo lagu eedeyey arrimo ka dhan ah Ahlusuna waljameeca.

Shiikh Cumar Shiikh Cabdulqaadir oo ah gudoomiyaha guddiga talada Ahlusuna waljameeca ee gobolka Galgaduud oo halkaasi ka hadlay markii codeyntu dhacday ayaa daboolka ka qaaday in maanta laga bilaabo uusan Shiikh Cabdi Cali Fiidow uusan ahayn gudoomiyaha gudiga fulinta Ahlusuna waljameeca isla markaasna Masuul kale dhawaan la soo dooran doono.

Ugu dambeyntii Shiikh Cabdi Cali Fiidow ayaa xilkaasi loo dhiibay ka dib markii uu geeriyooday Shiikh Maxamed Yuusuf  Xeefow,waxaana uu xilkaasi masuulkan cusub ee hadda xilka qaadista lagu sameeyey waqti kooban oo aan lix bilood gaarin,waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la dooran doonto masuul cusub.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com