Gudoomiye Cirfe Oo Kulamo La Leh Shacabka & Siyaasiinta Gobolka Galgaduud

0

DSC09868Caabudwaaq(AGGM) Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray gobolka Galgaduud ayaa gelinkii dambe ee shalay ilaa fiidnimadii xalay magaalada Guriceel kulamo gaar gaar ah kula qaadanayay waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku dhaqan gobolkaasi.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye oo shalay gaaray gobolkaasi ayaa ka warbixiyay kulamo gooni gooni ah oo uu la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaas oo ka dhacay degmada Guriceel isagoo xusay in kulamo kale oo noocaan oo kale ah uu la qaadan doono bulshada ku nool degmooyinka kale ee gobolka.

‘’Sida aad la socotaan halkan waxaa ka jiray maamulka ahlusuna iyo kan dowlada oo si wadajir ah u shaqeynayay mar hadaan nimidna waxaa lagama maarmaan ah inaan la tashano maamulladii shaqeynayay oo aan fiirino waxqabadkoodi talooyina ka waadano kalana tashano sida howsha hadda aan wadano loo dhaqaajin karo,  farriinta aan ka wadno dowlada aan gaarsiino’’ Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in maamulkiisu uu qorsheynayo sidii haraadiga maleeshiyaadka Shabaab ay uga saari lahaayeen dhamaan qeybaha ay maleeshiyaadkaasi kaga harsanyihiin gobolka, kuwaas oo dhibaatooyin ba’an ku haya shacabka ku nool deegaannadaasi.

‘’Qorshaha aan wadano ayeey ka mid tahay in degmooyinka wali ay heystaan nimankakan cadowga ah ee Shabaab sidii looga xoreynlahaa gobolka waana qorshaha aan ku wada socono abaanduulaha ciidamada XDS’’ ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo.

Gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Galguduud oo shalay gobolkaasi ayaa waxa si diirran uso dhaweeyay qeybaha bulshada, waxaana gudoomiyaha horyaala howlo farabadan oo ay adagtahay wax ka qabashadooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com