Weerar bambaano Oo Lagu Qaaday Huteel Masuuliyiin Ka Degan Yihiin Baydhabo

0

337Muqdisho(AGGM) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in qarax laga maqlay maqribkii  huteel ku yaala bartmaha Magaalada Baydhabo halkaasi oo ay degan yihiin saraakiil ka tirsan dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana la sheegayaa in qaraxaasi khasaare geystey.

Weerarkan ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysnaa Bam Gacmeedyo isla markaasna huteelka ku soo tuureen,waxaana la xaqiijinayaa in kooxdii weerarkaasi fulisay ay goobta ka baxsadeen,waxaana la xaqiijinaya in ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaliya ay baaritaano ka wadaan xaafadaha huteelkaasi ka ag dhaw.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo oo aan la hadalnay waxay sheegayaan inay ku raad joogaan kooxihii qaraxa ku weeraray hoteelkaasi ku yaalla Baydhaba Janaay,waxaana saraakishi sheegeen inay ku rajo weyn yihiin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii weerarkaasi oo fulisay oo ciidamada ku daba jogaan.

Ugu dambeyntii weerarkan ayaa imaanaya xilli Magaalada Baydhabo ay mamulaan ciidamada dawlada federaalka ah oo gacan ka helaya ciidamo boolis ah oo ka socda kuwa Amisom,waxaana la sheegaya in amaanka magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada mileteriga dawldaa federaalka ah ee Soomaaliya oo gacan buuxda ka helaya kuwa Amisom ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com