Afhayeenka AMISOM Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Qaabka Uu U Dhacay Weerarkii Shalay Lagu Dhaawacay Haweenay U Dhalatay Dalka Sweden.

0

Cali-Aadam-XaamudMuqdisho (AGGM): Taliska ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay weerar shalay lagu dhaawacay haweeney u dhalatay wadanka Sweden isla markaana lagu dilay nin Soomaali-Swedish ahaa iyo darawalkii gaariga ay ku socdeen.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumud ayaa ka warbixiyay weerarkaasi, isagoo faahfaahin ka bixiyay qaabka uu weerarka u dhacay iyo kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

“Rag dareyska ciidamada ku labisnaa oo watay gaari yar ayaa isku hor gooyay gaariga ay saarneyd haweeneyda Swedishka ah kaddib labada dhinac ayay ka istaageen gaariga iyagoo rasaas ku furay markaasi” ayuu yiri Col. Cali Aadan.

Waxa uu sheegay afhayeenka AMISOM in isla markiiba ay ka war heleen weerarka lagu dhaawacay haweeneyda Swedishka ah, isagoona sheegay inay ka badbaadiyeen haweeneyda oo kooxaha weerarka ku soo qaaday ay doonayeen inay dhameystiraan.

Dhinaca kale Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay inay xaqiijinayaan weerarada loo geysanayo ajaanibta ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna si weyn u ammaanay isbedelka Muqdisho ka dhacay iyo dowladnimada oo dib ugu soo noqotay.

“Nolosha way isbedeshay Dowladda iyo AMISOM-na waxay ku dadaalayaan in howshu intaan ka sii ballaarato, hase yeeshee waxa dhacaya waa amuur ilaa iyo iminka aan sababteeda la garaneynin” ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumud.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan xaqiijinta amniga dhammaanba degmooyinka gobolka Banaadir iyo degaanada Dowladdu gacanta ku heyso.

Waxaa kale oo uu sheegay in mushkiladda ka taagan Muqdisho aanay ahayn sida loo buunbuuninayo, wuxuuna hoosta ka xariiqay Col. Cali Aadan Xumud in howlgalada ay sameeyaan maalin kasta ku soo qabqabtaan rag ka tirsan ururka Al-Shabaab, hub yio walxo qarxa, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xaaladda Muqdisho sida loo buunbuuninayo aanay ahayn oo ay tahay mid nabad ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com