MSF Oo Laga Codsaday Ina Shaqadeedii Soomaaliya Dib U Bilowdo.

0

c_msf_dolo_allo_ethiopiaMuqdisho(AGGM) Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne C/laahi Ibraahim Sahal Gardhuub oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka xunyihiin ka bixitaanka dalka Hey’adda dhaqaatiirta aan xaduuuda lahayn ee MSF, isagoo taasi ku tilmaamay in ay tahay arrin dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed, bulshaduna ay baahi weyn u qabto howlaha ay Hey’addaasi u haysay shacabka.

C/laahi Ibraahim Sahal Gardhuub ayaa xusay in Hey’addu  ay si gaar ah u caawin jirtay dhalaanka iyo Haweenka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in maamulada dalka ka jira aysan awoodin in ay buuxiyaan baahida caafimaad ee ay bulshadu qabto

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne ayaa hoosta ka xariiqay in Hey’adda MSF aysan ku lug lahayn arrimaha siyaasadeed, ayna ka codsanayaan in Hey’adda ay markale dib u bilowda Howlihii ay shacabka Soomaaliyeed mudada 22-sano u haysay, isagoo intaa ku daray in ay damaanad qaadi doonaan amniga shaqaalaha Hey’addaasi inta ay awoodaan, maadaama ay laf dhabar u yihiin u adeegidda bulshada.

“Waxaan Maamulka Hey’adda MSF leeyahay dhaq jalaq ha u siinina falalka argagaxa leh ee ay wadaan haraadiga Al shabaab, waxkasta waxaa ka muhiimsan in aad dib u eegtaan howshii aad ugu dhabar adeegteen ee ahayd wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed” ayuu Gardhuub hadalkiisa ku daray.

Hey’adda dhaqaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF ayaa gobollada dalka ka howgeli jiray muddo 22 sano ah, iyadoo dhawaan ay joojisay dhamaan howlihii ay shacabka Soomaaliyeed u haysay, kuna dhawaaqday in ay ka baxday guud ahaan Soomaaliya, taasi oo ay u cuskadeen in 16 shaqaale oo Hey’addooda ka tirsan gobollada dalka lagu dilay tan iyo 1991-kii

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com