Mudane Ciil-Mooge Oo Kulan La Qaatey Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Nairobi (Sawiro)

0

Picture-13541Naiorbi(AGGM) Kulan lagu soo dhaweynayay wasiirka warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi.

Kulanka ay waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin isugu jirtay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka soomaliya,taliyaha ciidanka  booliska Soomaaliya Gen Cabdixakiim Daahir Saacid iyo madax kal.

Kulanka ayaa wasiirka waxaa looga xog wareysanayay wax qabadka xukuumada Soomaaliya mudadii ay jirtay,wuxuuna wasiirku si waafi ah uga sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay wasaaradaha kala duwan ee xukuumada,

Dadwaynaha kulanka ka soo qeyb galay ayaa aad ula dhacay xogta uu wasiirku siiyay,waxayna balan qaadeen in dhankooda ay taageero la garab taaganyihiin dowlada aan weli sanad jirsan,iyagoo ku amaanay wax qabadka muuqda ee laga sameeyay dhinacaya adeega bulshada,siyaasada dibada iyo xoreynta dalka.

Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa si gaar ah wasiirka warfaafinta isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane Cabdullahi Ciilmooge Xirsi ugu amaanay horumarka uu ku sameeyay wasaaradiisa gaar ahaan soo celinta hawada Soomaaliya,furitaankii xaruntii boosatada oo 23 sano ka dib la furay, garoonka caalamiga ah ee Muqdisho oo xayiraadii laga qaaday  iyo arrimo kale oo fara badan oo ay ku jirto deymo soomaaliya ku lahaayeen ururo caalami ah oo wasiirku uu ka shaqeeyay in laga cafiyo, iyo weliba Soomaaliya oo xubin buuxda ka noqotay xiriirka isgaarsiinta caalamiga ah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday farxad iyo dadwaynahya oo aad ugu qancay warbixintii wasiirka wasaarad warfaafinta, balana qaaday in ay wixii maanta ka danbeeya dowlada ka difaaci doonaan kooxo ay ugu yeereen daneystayaal aan maslaxada dalka ka shaqaynin oo xiran shaati mucaarad ah,qaran dumisna ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Picture-1186Picture-1189Picture-1196Picture-1200Picture-1227Picture-1210Picture-1279Picture-1282Picture-1366Picture-13541