Xog Dhab Ah: Dawladda Oo Asbuucan La Wareegeysa Dekadda Iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

0

Kdeg-deg-muhiim19ismaayo(AGGM) Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda inay Magaalada Kismaayo gaaraan Masuuliyiin ka tirsan dawlada federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda dawlada Soomaaliyeed kuwaasi oo lagu wado inay soo gaaraan Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay kula kulmi doonaan saraakiisha ciidamada dawlada kiiniya ee Maamulka Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiinta dawlada federaalka ah ee lagu wado inay maalmaha soo socda oo ay maanta ku jirto soo gaaraan Magaalada Kismaayo ayaa lagu wada ain lagu wareejiyo dekadda iyo garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay maamulaan ciidamada dawlada Kiiniya ee qaybta ka ah Ciidamada Amisom.

Dhaqdhaqaaqa Masuuliyiintan ku soo fool leh Magaalada Kismaayo waxaa laga dareemaya Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegaya in dawlada iyo ay wada hadleen taliska ciidamada kiiniya ee ku sugan Magaalada Kismaayo isla markaasna ciidamada Kiiniya codsadeen in si deg deg ah loogala wareego xarumaha muhiimka ah.

Dawladda ayaa ku guuleyste doorkeedii ahaa inay la wareegto ilaha dhaqaalaha Gobolka Jubadda hoose oo muran siyaasadeed oo xoogan ka tagnaa isla markaasna ay ku hardamayeen kooxaha isku haya siyaasada dalka Soomalaiya,waxaana la sheegaya in hadda dawladu magacawday masuuliyiintii ilaha dhaqaalaha dekadda kismaayo gacanta ku qaban laha iyo garoonka diyaaradaha.

Ugu dambeyntii saacadihii la soo dhaafay waxaa waa cusub ku baryey Masuuliyiinta Jabhadda Raaskambooni oo la sheegay inay hadda dhabanadda dhafoorka ku hayaan isla markaasna ay balamo badan ka baxeen Jabhadda Raaskambooni oo ay markii hore ku daneysan jireen. Lama oga xilliga dhabta ah ee Masuuliyinta dawladu gaari doonaan Magaalada Kismaayo iyadoo la sheegay ilaa maanta ama asbuucan gudihisa inay garaan kismaayo halkaas kula wareegaan hantida dawladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com