Jabhadda Raaskambooni Oo Saaka Kismaayo Ka Wada Isbaaro,Gurasho Lacag Baad Ah.

0

Maleeshiyo-hubeysan-618x366Kismaayo(AGGM) Ciidamada Jabhadda Raaskambooni waxay saaka xireen wadooyinka muhiimka ah ee ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha iyo shacabku,waxaana la sheegaya in ciidamadan ka tirsan Jabhadda Raaskambooni ay gadood sameyanayaan,waxaana la sheegaya inay ka cabayaan mushaar la,aan dhawr kii bilood oo la soo dhaafay soo food saartey.

Ciidamadan ayaa la sheegaya inay xireen wadooyinka soo gala dhinaca dekadda & xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo,waxaana sidoo kale la xaqiijinayaan inay dadka shacabka ah ee wadayooinkaasi adeegsanaya ay ka qaadayaan lacago baad ah oo ay dadka waydinayaan.

Ciidamadan ayaa la sheegaya inay rasaas xoogan ridayaan isla markaasan magaalada ku As-qaysiiyeen rasaas culus taasi oo dadka shacbaka walaac ku abuurtey,waxaana la sheegayaa in horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni ay walaac ka muujinayaan arrintaasi isla markaasna ku guuleysan la,yihii inay kooxaha isbaarada dhigtey halkaas ka saaraan.

Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegaya inay dadka shacabka ka qaadayaan lacag dhan 100 kun oo shilin soomaali ah isla markaasna dhawr ruux oo marayey wadada Argadda Magaalada Kismaayo ka qaateen Moobilladii ay wateen,waxaana sidoo kale la sheegaya inay dhawr baabuur oo dad shacab ahi leeyihiin kula dhaqaaqeen baaritaano kalana baxeen lacago saarnaa.

Ugu dambeyntii  Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inaysan wax dhaqaale ahi ka soo gaarin lacagaha dekadda & Garoonka kismaayo ay ka qadaaan ciidamada dawladda kiiniya iyo Horjooge Axmed Madoobe oo la sheegay inay dhaqaalaha dekadda Kismaayo isku koobeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com