Ardayda Jamaacada Bariga Afrika Oo Wada Qorshe Lagula Dagaalamayo Tahriibka

0

28Muqdisho(AGGM) Kadib xaflad lagu qabtay jaamacadda barica Africa faraceeda magaalada Garoowe  ayaa ardayda jaamacaddaasi waxa ay ku dhawaaqeen in ay u istaagayaa la dagaalan xoogan oo ka dhan ah waxyaabaha hoos u dhigaya mustaqbalka dalka iyo dadka, gaar ahaan tahriibka oo muddooyinkaan aad ugu soo badanayay gobolka.

Ardaydu waxa ay sheegeen in arrintani ay qeyb ka noqon doonto talaabooyin badan oo ay kaga qeyb qaadanayaan horumarka dalka iyo la dagaalanka dhibaatooyinka haysta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada ku fikiraya in ay naftooda ku halligaan tahriibka.

Guddoomiyaha ardayda jaamacadda oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ardaydu ay ka dhiidhinayaan dhibaatada da’yarta ka soo gaaraysa tahriibta sidaas darteed ay bilaabayaa wacyi gelin lagula dagaalamayo arrinkaasi.

Ugu dambeyntii dadaalada ay ardaydu kula dagaalamayaan tahriibta ayaa kusoo beegmaya xilli sanadihii ugu dambeeyey uu gobolka Nugaal kamid ahaa meelaha ugu badan oo ay ka tahriibaan dhalintu, kuwaas oo in badan oo kamid ah ku nafwaayaan halka qaar kalena ay la kulmaan nolol aad u liidata.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com