Baaq ka soo baxay bulshawaynta Soomaaliyeed ee ku nool wadankan UK .

0

bir3Ujeedo: Ciidamada Kenya AMISOM waa in ay ka baxaan wadanka Soomaaliya .

Horudhac:

Ciidamada Kenya waxa ay si sharci daro ah ku soo galeen xaduuda Soomaaliya , taarikhdu markay aheyd 16 October /2011 iyaga oo sabab ooga dhigay nabadgelyo la,aan kaga timid xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.

Dowladii TFG oo markaa talada wadanka gacanta ku heysay waxbo lagalama socodsiin, taas oo ay u cuntami wayday musliyintii dolwadii TFG gaar ahaan parlamankii soomaliya ee markas jiray. Isla markiibo dowladii TFG aheyd waxay cadaysay mawqifkeeda ah inaynan raali ka ahayn cidama soo galay xadka somaliya iyaga oon wax ogalaansha ah ka haysan dowlada somaliya.

Kenya oo arintaas u aragtay in ay caqab ku tahay meel marinta mowqifkooda dhabta ah ee guracan ayaa waxa ay isla markiibo bilowday sidii ay ku ansixin laheyd cidankeeda kaga jiro Soomaaliya.

Waxaana dowlada Kenya markiibo soo wahajay mushkilado kaga kala yimid meelo badan oo aduunka ka mid ah, iyadoo isla mar ahaantaasna AMISOM kaga maarmi weyday dhaqaale iyo siyaasad intabo.

Waxey bilowday in loo sharciyeeyo ciidamadii sida sharci darida ahaa ku soo galay wadank, waxaana loo huwiyey magaca AMISOM si ay ooga miro dhaliso qorshaheedii ay ku soo gashay wadanka oo ahaa sidii ay u sameyn laheyd xaduud beenaad 2 aad oo aan sharci aheyn (buffer zone). Taas oo ay weli ku hamineyso ilaa iyo hadan ay ku talo jirto sidii ay u sameyn laheyd.

Natiijadii laga dhaxlay ciidamada Kenya ee la huwayay shatiga AMISOM.

Ciidamada AMISOM Kenya markii ay gudaha u soo galeen wadanka Soomaaliya si ay ugu hirgasho danahooda gaarka ah waxa ay bilabeen inay kala qaybiyaan shacabka somaliyeed ee walalalaha waxayna u kala qaybiyeen kooxo iyo qaabilo tas oo ah astaan lagu yaqan isticmarka waana qaybi oo xukun (divide and rule) , taasi waxa ay keentay inay hubayso kooxo soomali ah oo ay gadal ka tagerayso si ay u fashiliso hananka geedi socodka nabada somaliyeed.

Waxa ay shaqadoodu aheyd in dowladda somaliya kala howlgalaan qaybaha dhiman ee goboladda dalka sidii gacanta dowlada u so geli lahaayeen, taas oo ahayd howshi i loo idmaday.

Waxay ciidamada Kenya AMISOM badalkeeda u geysteen tacadi naf iyo maalbo leh umadii Soomaaliyeed eek u nooleyd gobollada jubooyinka. Waxaana oogu danbeysay tii ka dhacday dhamaadkii bishii June 2013 magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya AMISOM waxa ay dadkii shacabka ahaa iyo ciidamadii dowlada federaalka Soomaaliyeed u adeegsadeen awood xad dhaaf ah iyaga oo isticmalay duqayn cir iyo dhulba leh.

Waxana inta la ogyahay naftooda ku waayey in ka badan 150 qof, waxaa kale oo dhaawac ku soo gaaray in ka badan 500 qof. Waxaa kale oo ku baro kacay dhamaan shacabkii ku noolaa magaalada Kismaayo.

 

Waxaa kale oo la baro kiciyey dhamaan bulshadii Soomaaliyeed ku nooleyd magaalada Kismaayo, iyadoo barakacaas loo adeegsanayo siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay.

1- Dil joogto oo si burcadnimo ah loogula kacayo dhamaan shacabka degan magaalada Kismaayo.

2-Dhac joogto ah oo lagu hayo ganacsatada ku nool magaalada kismaayo.

3-Kufsi joogto ah oo ka socda magaalada Kismaayo, qaasatan xiliga habeenka ah.

4-Hanjabaad iyo handadaad joogto ah oo lagu cabsi gelinayo shacanba ku nool magaalada Kismaayo.

5-Xayiraad xaga isu socodka ah oo lagu soo rogay shacabka ku nool magaalada Kismaayo, taasoo kaliftay daruufo adag oo soo wajahday dhamaan shacabka ku nool magaalada Kismaayo .

CODSI:

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka United Kingdom (Somali Diaspora UK), ee ka kooban, sida: siyaasiyiin,aqoonyahano,dhalinyaro, haween iyo hogaanka jaaliyada UK, waxey talo ahaan iyo codsibo ugu soo jeedineysaa dowlada federalka Sooaaliya qodobadaan hoos ku qoran:

1- In ay soo saarto go,aan ay ciidama Kenya AMISOM kaga saareyso wadanka Soomaaliya.

2- In ciidamada Kenya AMISOM lagu bedelo ciidamo aan ka socon wadamada safka aanu deriska nahay.

3- In la maxkamadeeyo cid walbo oo lug ku yeelato dhibaatadii ka dhacday magaalada Kismaayo.

4- In dowlada Soomaaliya iyo hay’adaha gar gaarka ah ee ka howl gala Soomaaliya ay gargaar ba’niaadanimo la gaaraan dhamaan dadkii ku baro kacay dagaaladaas ay ciidamada Kenya AMISOM kula kaceen shacabkii ku noolaa magaalada Kismaayo.

5- In hadii ay Kenyo u hogaansami weydo baaqyada ka soo baxayo dhamaan umada Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida dacaladeeda, loo diyaar garoobo sidii Keyna loogaga saari lahaa wadanka Soomaaliya.

BAAQ TAAGEERO:

Waxey sidoo kale jaaiyada Soomaaliyeed ee UK (Somali Diaspora UK) taageero buuxdo siineysaa go,aankii ka soo baxay shirkii maanta oo ay taariikhdu tahay 04/08/2013 ka dhacay wadanka Uganda , caasimadiisa Kampala. Shirkaas oo ay ka qeybgaleen dowlada federaalka Soomaalya iyo wadamada IGAD ee ay ciidamada ka joogaa Soomaaliya. Taas oo looga hadlaayey xal u helida amniga arimaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubooyinka.

Qodobadaas oo ay jaaliyada Soomaaliyeed (Somali Diaspora UK) ee UK u aragtay inuu oogu muhiimsan yahay, qodobka sheegayo in ciidamado isku dhaf ah la geeyo gobolada jubooyinka.

Waxaa kale oo ay Soomaaliyeed (Somali Diaspora UK)ay soo jeedineysaa in ay dowlada federaalka Soomaaliya dadejiso dhaqan gelinta qodobkaan oo ay hada baahidiisu taagan tahay.

Waxey Soomaaliyeed (Somali Diaspora UK) ka digeysaa inuusan dib u dhac ku imaan dhaqan gelinta qodobkaan.

bir10
bir8 bir9
bir bir1 bir2 bir3 bir4 bir5 bir6 bir7

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com