Dhageyso: Shaydaanka Ugu Weyn Kooxda Alshabaab Oo Fariin Maqal Ah Soo Direy

0

godaneKismaayo(AGGM) Amiirka Falaagada Alshabaab Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane oo warbaahinta Soomaalida u soo direy fariiin maqal ay ayaa jeediyey hanjabaadii ugu darneyd,waxaana uu sheegay inay meelo badan ka geysan doonaan dilal iyo qaraxyo,waxaana uu sheegay inay sii wadayaan dagaalada ka dhan ah dawlada Soomaaliya iyo ciidamada Amisom ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Godane waxaa uu sheegay in dalka soomaaliya lagu soo duulay isla markaasna waxaa uu ku tilmaamay in dalka Soomaaliya hadda gacan ugu jiro gaalo isla markaasna loo baahan yahay in jihaadka la sii wado,waxaana uu baaq u jeediyey kooxaha isaga ka amar qaata isagoo xusay in loo baahan yahay in la laba jibaaro dagaalada ay ku wadaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa uu hadalkan imaanayaa xilli bisha Ramadaan gudaha Magaalada Muqdisho kooxda Argagixisada ah ee Alshabab ay weeraro culus ku qaadeen Magaalada Muqdisho kuwaasi oo waxyeelo badani ka soo gaartey Ciidamada dawlada, Amisom & kuwa Ajaaniib cadaan ah oo ay weeraro ismidaamin ah ku qaadeen Falaagada Alshabaab.

[ca_audio url=”http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/DHAGEYSO-SHEEKH-ABUU-ZUBEYR.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com