Marwada Madaxweynaha Dalka Oo Deeq Raashin Gaarsiisay Xarun Lagu Daryeelo Gabdho Agoon Ah “Sawirro”

0

IMG_8415Muqdisho(AGGM) Deeqdan oo isugu jirtay Bariis, Saliid iyo Caano ayaa  maanta Marwada Madaxweynaha Dalka Sahra Cumar  Xasan  waxa  ay gaarsiisay xarun lagu daryeelo gabdhaha Agoonta ah oo ku taala Degmada Boondheere ee gobolka banaadir.

Marwadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa inta ay ku sugneyd xarunta lagu daryeelo gabdhaha agoonta waxa ay mid mid u kormeertay qeybaha kala duwan ee xaruntaasi ay ka koobantahay,  iyadoo goobta ay ku sugnaayeeen maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha degmada boondheere Cabdullahi Xirsi Wardheere “Istakiin” oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xaruntaasi inta ay furneyd ay soo martay marxalado kala duwan, islamarkaana hadda ay mareyso meel aad u wanaagsan, isagoo intaa raaciyay deeqdaasi ay wax badan ka badali doonto xaaladdii ay markii hore ku sugnaayeen gabdhaha agoonta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  ayaa sheegay  in wax lagu farxo ay tahay in Marwada Madaxweynaha dalka ay deeq soo gaarsiiso xarunta lagu daryeello carruurta ee ku taala degmada boondheere, isagoo xusay in kaalmadaasi ay ku soo beegantahay xiligii munaasabka ahayd, uuna uga mahadceliyo sida ay ugu gurmatay carruurta agoonta,

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahra cumar  Xasan  ayaa sheegtay in ay sii wadayaan gurmad nuucaani oo kale ah ee loogu gurmanayo dadka tabaaleysan, iyadoo ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed  in ay gar garaar u fidiyaan dadka ay  tabartoodu liidato

“Dadkaan qaarkood hooyo iyo aabaha aan lahayn ee ku jira xeradan, waxaan idin leeyahay annagu ma idin moogin, qalbigeena ayaad ku weyn tihiin, waxaana naga go’an in aan shacabkeena taakuleeno kuweena aadka u liita” ayay yiri Marwada Madaxweynaha

Ma ahan markii ugu horeysay  oo Marwada Madaxweynaha dalka ay deeq sidan oo kale ah gaarsiiso xaruntan lagu daryeelo gabdhaha agoonta ah ee ku taala degmada boondheere ee gobolka banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_8384IMG_8395IMG_8456IMG_8474IMG_8518IMG_8415IMG_8487IMG_8536IMG_8525IMG_8548IMG_83941