Madaxweyne Xasan Oo Ka Hadlay Weerarki Lagu Qaaday Xarunta Turkida Ee Magaalada Muqdisho.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu cambaareeyay weerarkii fulaynimada ahaa oo lagu beegsaday  xarun ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkiga ee magaalada Muqdisho .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Turkiga muwaadiniintii Turkiga ee waxyeeladu ka soo gaartay qarixii shalay .

‘’Weerarkii dhacay waxaa uu muujinaya fulaynimo iyo tabaryari soo wajahday kooxaha argagixisada,  kuwaasi oo isaku dayay in ay carqaladeeyaan nabadda iyo degnaanshaha’’ ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka sooo baxay xaruunta  Madaxtooyada Soomaaliya.

Sido kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri dowlada Turkigu waxaa ay ka mid tahay wadamada saaxiibada aynu nahay weerarka shaqaaleheeda lala  beegsadayna waa mid aan ka xunnahay.

War murtiyeedka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaliya  waxaa sidoo kale lagu sheegey in shacabka iyo dowladda Turkigu ay howlo muhiim ah u hayaan ummadda Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd gargaarka iyo taageerada dhinacyada badan leh,  taasi oo ay aad ula dhacsanyihiin shacabka Soomaaliyeed , howlaha ay qabteen shaqaalaha Turkiga waxaana ka mid ah dhismaha  iskuulo ,isbitaalo iyo mashruucyo kale oo wax ku ool ah.

Madaxweynaha ayaa  fal wuxuushnimo ah ku tilmaamay weerarkii argagixiso ee shalay isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay gacan bur ah ku qabandoonto dambiilayaashaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com