Isbatoore Fartaag Oo Tuugtii Magaalada Dhici Jirey Munasaabad U Qabtey (Sawiro)

0

Booliska-Jubbaland-ee-Kismaayo-7Kismaayo(AGGM) Xilli Xiisado dagaal oo xoogan ka taagan yihiin isla markaasna Jabhadda Raaskambooni iyo tageerayaasheedu hadda ku aruursan yihiin Xarunta ay ku tilmaameen Madaxtooyadda iyo Saldhiga Magaalada Kismaayo,waxaa maanta lagu qabtey munasaabad lagu soo bandhigey tuugtii shacabka dhici jirtey kuwaasi oo sawiradooda lagu soo bandhigey warbaahinta.

Munasaabadan maanta intii ay socotey ayaa la sheegay in Ciidamadii Madaxweyne Bare Hiiraale Magaalada ku soo dhawaadeen taasi oo sababtey inay meeshaasi ku kala cararaan tuugtii laga soo aruuriyey Magalooyinka Gaarisa Gubaay Iyo Kilinka 5-aad,waxaana kooxdan maanta saxafada lagu soo bandhigey yihiin dadkii shacabka Magaalada kismaayo dhibaatada xoogan ku yahay kuwaasi oo lagu tiolmamaay inay yihiin boolis.

Isbatoore Fartaag oo ayaa la sheegay inuu halkaasi ka cararay isla markaasna isku shubay xarunta Ciidamada Kiiniya ee ku taala Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo uu ku joogo Magangalyo ahaan,waxaana la sheegay inuu Isbatoore Fartaag ka codsaday ciidamada kiiniya inay ka difaacaan ciidamada Bare Hiraale Magaalada Kisamayo. Ciidamada Kiniya ayaa la sheegay inaysan wax jawaab ah ka bixin codsiga Isbatoore Fartaag.

Ciidamadii maanta lagu soo bandhigey gudaha kismaayo isla markaasna maryaha cas cas garbaha looga toley ayaa la sheegayaa inay hadda ku sugan yihiin saldhiga Magaalada Kisamayo halkaasi oo ay difaac kaga jiraan isla markaasna,waxaa la sheegaya inay doonayaan inay difaacdaan Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii Isbatoore Fartaag ayaa la sheegay inuu hadda ku sugan yahay garoonka diyaaradaha Magaalada Kisamayo halkaasi oo uu magan u yahay ciidamada dawlada kiiniya isla markaasna kala hadlayo sidii xaalada Magaalada Kismaayo laga yeeli lahaa Maadama ciidamo xoogan oo uu wato Bare Hiiraale ku soo fool yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Booliska-Jubbaland-ee-Kismaayo-5Booliska-Jubbaland-ee-Kismaayo-11Booliska-Jubbaland-ee-Kismaayo-7Booliska-Jubbaland-ee-Kismaayo-1