Sir Culus: Ciidamada Kenya Oo Dhuxusha Kismaayo Taala Si Qarsoodi Ah Habeenkii Ugu Rarra Markab La Yiraahdo MV Ruby Star.

0

Ruby-Star2Warbixin lagu kalsoonaan karo oo shebekadda AOL soo gaaray ayaa waxuu sheegayaa in uu dekedda Kismaayo ku sugan yahay markab weyn oo nooca xamuulka qaada ah (bulk carrier ship) oo magaciisa la yiraahdo MV Ruby Star.

Markabkaan ayaa waxaa si sharci daro qarsoodi ah habeynkii loogu rarayaa dhuxul gaareysa ugu yaraan ilaa iyo 170,000 oo jawaan.

Markabkaan ayaa la sheegayaa in ay soo kireysteen laba nin oo Soomaali ah oo ka ganacsada dhuxusha oo magacooda
la kala yiraahdo Salah Da’ud Abdulle oo u dhashay qabiilka Gaaljecel iyo Abdiraxmaan Axmed Warsame oo u dhashay qabiilka Ogaaden, gaar ahaana ay qaraabo dhow yihiin Axmed Islaan Madoobe oo ah ninka madaxda ka ah maamulkii dhawaan Kismaayo looga dhawaaqay.

Warku waxuu intaas ku darayaa in labada nin ee markabka soo kireystay ay ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan ee wata magaca ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwa Axmed Madoobe ay kula heshiiyeen in ay jawaankii dhuxul ahba ka qaataan qidmad lacageed oo dhan $1.5, taasoo ka dhigeysa qidmada guud ee ay ka qaadanayaan 170,000 ee jawaan ee dhuxusha ah ee sida sharci darada ah loo dhoofinaayo $255,000 (laba boqol iyo konton iyo shan kun oo Doolar.)

Ninka warbixintaan oo ku qoran Ingiriis usoo gudbiyay AOL oo magaciisa la yiraahdo Johnson Samuel, ayaa waxuu codsaday in warbixintan sida si ugu dhaqsiyo badan loogu gudbiyo dhamaan shabakadaha Soomaaliyeed si ay usii faafiyaan akhbaartaan qatarteeda leh, isla markaana baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dhuxul rarista aan sharciga aheyn ee Kismaayo laga wado xiliyada habeynkii ah.

Ruby-Star2
Sawirka Markabka MV Ruby Star

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com