Daawo: Ra’iisul Wasaaraha Oo Caawa Kulan Amniga Looga Hadlayo La Yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Iyo Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo.

0

IMG_5678Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa caawa kulan ballaaran oo afur ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, taliye xigeenada, guddoomiye-yaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiin Faqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana kulankan Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixino ka dhegeystay taliyeyaasha Booliska, Millateriga, iyo Nabadsugida Qaranka, waxayna warbixin faah faahsan ka siiyeen qorsheyaasha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, iyaga oo tilmaamay inay jiraan falal amniga lidiga ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray bishan Ramadaanka, balse ay ka hortageen falal aad u tiro badan oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, waxayna xuseen in caddowgu aad u taagdaran yahay uuna ku jiro maalmihii ugu dambeeyey.

Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxa uuna sheegay in kulankani uu ka duwanaa kulamadii hore isla markaana Ra’iisul Wasaare Saacid uu si qotadheer u xog-wareystay taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo dhamaamba howlwadeenada ammaanka, isaga oo ka dalbaday in looga fadhiyo isbedel deg deg ah oo dhanka sugida amniga iyo ka hortaga falalka ka dhanka ah shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale, diirada lagu saaray qaabka dariseynta iyo iskaashiga dhanka amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi loogu bandhigay qorshaha cusub ee amniga ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaruhu, kaasoo qeyb weyn ka qaadan doona sugida amniga iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir Turki ah, halkaasoo ay adeegyo caafimaad ugu fidiyaan shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna alle uga baryay intii dhimatay inuu Janada ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Kulankan looga hadlayay amniga ayaa daba socda, kulamo horay uu ula qaatay Ra’iisul Wasaaraha qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo uu kala hadlayay qorshaha xukuumada ee xasilinta iyo dalka.

IMG_5564 IMG_5678 IMG_5677 IMG_5665 IMG_5660 IMG_5622 IMG_5606 IMG_5585 IMG_5582 IMG_5563

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com