Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwa Ahlusuna Waljamaaca Ee Gobolka Gedo Oo Weerar Ku Ah Degmooyinka Buurdhuubo Iyo Baardheere.

0

tiknikodhoobley1Garbahaareey (AGGM): Afhayeenka Ciidamada Ahlusuna ee Gobolka Gedo Al Qaadi ayaa xaqiijiyay in iyaga iyo Ciidamada DFS ay diyaar u yihiin ineey weerar xoogaan saacadaha soo socdo ku qaadaan degmooyinka ay Al-shababaab ka maamulaan Gobolkaas.

Al Qaadi oo la hadlaywarbaahinta ayaa sheegay in ciidamadii Ahlusuna ahaa ee lagu biiriyey kuwa dawalda Somaliya ee ku sugan Gedo inay kuwajahan yihiin degmooyinka Baardheere iyo Buur dhuubo oo shabaab ay ku xoogan yihiin isagoo ku faanay Sargaalkaasi inay udhameystiran yihiin ciidamadii iyo hubkoodiiba ee duulaanka qaadi lahaa sida uu hadalka udhigay.

Sidoo kale waxa uu beeniyey  Maxamed Xuseen Al -qaadi in bixitaan la sheegayey ciidamada itoobiya gobolkaasi laakiin ay udiyaar garoobeen xitaa hadii ay baxaan in aan loo dhutin oo booskooda ay ciiidamada dawlada gelin doonaan isagoo cod dheer ku sheegay in iyaga iyo Askarta itoobiya iska taageeraan sidii loola dagaalami lahaa Xarakada Al Shabaab.

Dagaalyahanada shabaab ee haatan maamulka degmooyinka Baardheere iyo Buiurdhuubo ayaa had iyo jeer weeraro abaabulan ka soo qaada halkaas iyagoona soo weerara fariisimaha Ciidamada doowlada, kuwa Ahlusna iyo kuwa Kenya kaga suganyihiin Gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com