Ahlusuna Oo Ku Hanjabay In Falaagada Al Shabaab Ka Saari Doonaan Gabi Ahaan Gobolka Galguduud.

0

ahlusunnaCaabudwaaq (AGGM): Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobalada Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku hanjabay dagaalo ka dhan ah Kooxda Alshabaab in ay dhawaan ku qaadi doonaan deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud oo wali uu ka arimiyo Maamulka Alshabaab.

Sargal  ka tirsan Ururka Ahlusuna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qorshahaa uu yahay mid Maamulka Ahlusuna dhawaan ku dhaqaaqayaan waxa uuna sheegay in deegaanadaa ka xurayn doonaan waxa ugu yeeray Kooxaha Khawaariijta.

Ahlusuna waxa ay sheegeen in Kooxda Shabaab deegaanada ay gacanta ku hayso Gobalka Galgaduud in dhibaato xoogan ku hayaan dadka deegaanka waxa ayna sheegeen in ay soo gaareen Cabashooyin badan oo dadkaa ka soo gaaraya.

Dagaalka Maamulka Ahlusuna Waljamaaca iclaamiyay ayaa imaanaya xili Kooxda Alshabaab gacanta ku hayso Gooba badan oo Gobalka Ka tirsan islamarkaana uu yahay Gobalka Galgaduud Gobalka Labaad ee Alshabaab ku xoogan yahiin.

Kooxda Alshabaab ayaa dadka ku dhaqan Deegaanka Ceel Buur waxa ay ugu baaqeen in ay ka qayb qaataan dagaalka ay kula jiraan waxa ay ugu yeereen Cadowga Dalka ku soo duulay waxa ayna Kooxda Shabaab sidoo kale ku hanjabeen in ay sii kordhin doonaan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya.

Arimahaan ayaa imaanaya xili habeen hore Kooxda Alshabaab gubtay gaari nuuca xamuulka qaada ah oo ku sii jiiday degaano ka tirsan gobalka Galgaduud waxana sidoo kale afduubteen tira dhalin yaro ah oo aan la aqoon halka ay la aadeen kuwaas oo ka yamid Magaalada Gaalkacyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com