Ciyaaradka Kismaayo Waxaa Wada Dheelaya:-

0

Cali Gurbe§ Shisheeye iyo sokeeye,
§  Muslin iyo gaalo,
§  Caddaan iyo madaw.

Dawladda Soomaaliya ee xaq u lahayd inay ciyaarta seeriga u qabato, waa horaa laga dhaqaajiyey, waxayna eersatay tabar xumadeeda, maxaa yeelay, ma haysato awood ciidan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay xaqeeda ku ceshato. Waxaa intaas oo dhadan uga daran, iyadoo dadkeedii noqday reera-guura raac miiran, oo siyaasiinteedii ay la safanayaan cid kasta ee cad-quureed u tuurta.

Labada dawladood ee Afrikaanka ah ee dalka Soomaalia dariska la ah midkoodna ma dooneyso in Soomaaliya cagaheeda ku istaagto. Taasu waa mid aan cidna caad ka saarnayn. Arrintaasina cidda ogi ma ahaan  ummadda Soomaaliyeed oo kaliya, waxaa og adduun weynaha iyo Umadaha Midoobey iyo xitaa labadaas dawladood lafdooda.

Madaxweynihii Kenya, ee M. Kibaake, ka horreeyay Arab Moy, markuu xilka ka degtay, wuxuu jaamacad ku taal dalka Maraykanka kaga qudbadeeyey “Kenya iyo Ethiopia midkoodna ma rabto in Soomaaliya dawladi ka dhalato”.

Arrintaasu waxay leedahay sabab ku filan inay sidaas u dhacdo. Labada dalba waxay xoog ku haystaan qaybo ka mid ah dalka Soomaali weyn.

Dawladda Soomaaliyeed iyo dadkeeduba waa u toog hayeen caddaawadaas qoddada fog, laakiin waxay is dhigteen markii caalamku ku dhawaaqay in Soomaaliya noqotay dawlad madax bannaan oo dalkeeda  ka talisa sida dalalka kale ee addunka taasoo la ogaadey inay been tahay ka dib markii ciidamada Keenya Kismaayo u maamuleen sidii ciidama qabsaday dal ay ku soo duuleen oo kale.

Waxaa taas ka darnayd markii dawladda Soomaaliya u dacwootay, meel kasta ee sharcigu u ogolaa laakiin loo wada aamusay, taas oo marqaati u noqotay, in ayna Soomaaliya ahayn, dawlad madax bannaan.

Ciidamada keenya waxay dalka Soomaaliya ku soo galeen ogolaansho la’aan, mar dambe ayaa sharci caman-duleys (rigging legislation) looga dhigay qayb ka mid ah ciidamada Amison ee la sheego inay la shaqeeyaan dawladda Soomaaliya. Laakiin cidamada Kenya waligood kama amar qaadan, dawladda Soomaaliya iyo madaxda Amison xukunta toona.

Waxaa badda Soomaaliya fadhiya raxan maraakib dagaal ah oo markay doonaan duqeya meeshay ka rabaan dalka Soomaaliya. Waxay dawladda Kenya dayaaradaheeda dagaalku dalka Soomaaliya ka geysteen duqayma badan oo dad badan oo ra’yid ahu ku nafwaayeen.

Amison waxay caddaysay in ayna maraakiib iyo dayaarada toona lahayn waxay geystaanna la weydiinayn madaxdooda.

Ilaa iyo hadda waxaa la la’yahay ciddii dawladda kenyo weydiin lahayd cidda ay fasaxa uga haystaan maraakiibta iyo dayaaradaha dagaalka ee Soomaaliya ka faltamaya. Waxaaba la yaab leh,  markasta oo Kenya la eedeeyo waxaa caalamka iyo dawladda Soomaaliyaba u jawaaba askari Kenyaati ah oo Kismaayo ku sugan.

Kenya oo Ethiopia Kaga adkaatay Siyaasaddii Jubbaland (Sabab)

Inteynaan u gudagalin sida Ethiopia dibirta loola helay, bal aynu milicsanno taariikhda ay lee yihiin madaxweyna iyo madaxweyne ku xigeenka jubbaland.

Axmed madoobe, wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii ciidamada Itioobiya aay la galeen maxkamadihii Islaamiga ahaa, wuxuuna galay gacanta ciidanka Adis Ababa. Meeshii Alan Baqa lagu ridi lahaa, waa la baantay, xaaskiisiina waa loo keenay, barlamaankii Sh. Shariifna waa lagu daray. ??????

Fartaag:- sargaal hoose ayuu ahaa markii dawladii dhexe dhacday. Intii burburka lagu jireyna, qabiilka kama dhexmuuqan. Aqoon iyo shaqsiyad dheeraad ahna laguma cawreyn. Marqur ah ayaa Dawladda Itoobia, Barre Hiiraale ku baddashay, jananna sh. Shariif oo aynaba waligood is arag looga qaaday. ?????, waxaa halkaas kaaga cad in labadaba loo tiring karo, wiilashii ay barbaarsatay dawladda Itoobia.

Markii la bilaabay qoristii ciidamadii Soomaaliyeed ee Siyeellow lagu taba-barayey, waxaa la bisleynayey qabsashada Kismaayo. Labada dawladoodba waa u dhamaayeen laakiin Itoobia waligeed irdhey qabtey oo waxay ka baqeysey in jabhadda Ogaadeen ee Itoobia la dirirtaa isla hesho bad iyo lacag. Waxaase Kiinyo ku qancisay, in ay Itioobia keensato madax Soomaaliyeed ee ay ku kalsoon tahay iyo in beesha reer Gedo iyo Kismaayo ee Ethiopia ku kalsoon tahay maamulka barka yihiin howraarsan ayaana lagu kala tagay.

Kenya, waa baddeshay qorshii oo dhaan. Waxay kismaayo ku qabsatay ciidan xoog badan oo bad, birri iyo cirba isu dheelli tiran, waxayna karbaash aan baqdin iyo xishood midna ka muuqan kala daashey cid kasta oo aan Raaskambooni ahayn. Waxay meel iska dhigtay dagaalkii Al shabaab. Waxayna aad u yastay dawladda Soomaaliya.

3000-5000, ee ciidamo Beesha Axmed Madoobe ah ayaa lagu qiyaasayaa inay maanta kismaayo ku sugan yihiin. Beesha Axmed madoobe ka dhashay ee  Soomaaliya deggan waxaa lagu qiyaasayaa 10-20%. Intala kale waa Kiinyaan ama Itoobian.

Caddakaas kor ku qoran intooda badanu waa dhalintii uurka ka jecleyd jabhadda Ogaadeenya, hadday jaanis dhaqaale iyo bad ay iyagu xukumaan isla helaanna, ma cafin doonaan Itoobia, waxna kama maqli doonaan Axmed Madoobe. Fartaagna waa un maalmo wuxuu Kismaayo joogaa, haddii xaalku sidaan ku socdo,

Dawladda Itioobia waagaa ku baryey, waana garwaaqsatay, in dibir-xun lagu dhuftay, laakiin hadda uma sahlana inay Kenyo Kismaayo ka saarto, maxaa yeelay Amison ayey ku malxalatay.

Dariiqa kaliya, Itoobia u furan wuxuu yahay, inay Dawladda Soomaaliya oo ay Kenyo baqtiga cunsiisay, ay isku lamaaniso oo ku tidhaahdo, ciidamadayada adeegsada, si aannu kaabiga ugu gaarno Kismaayo.

Haddii Ciidamada Itioobia iyo kuwa Soomaaliya wada qabtaan, Gedo iyo Juubada dhexe, asii haddeerba Kismaayo la kor fadhiyo, markaas qasab ayey noqonaysaa in Kenyo qorshaheeda wax ka baddasho. Balse aan dhawrno wixii soo kordha.

Cali Yaasiin Gurbe
Email.Caliyare200@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com