Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lagu Eedeeyay In Ay Iyagu Hurinayaan Colaadaha Ka Jira Gobolka Sh/hoose.

0

xildhibaanoMuqdisho (AGGM): Waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda gobolka Shabeellaha hoose ayaa si kulul ugu cambaareeyay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya in ay qeyb ka yihiin amaan darrada baahsan ee ka taagan gobolka Shabeellaha hoose.
Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore ay isku dayeen inay dejiyaan xiisada colaadeed ee ka jira gobolka, hase ahaatee ay ka hor-taagan yihiin Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

”Xiisadaha colaadeed ee ka jirta guud ahaan deegaannada gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka mas’uul ah mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo sheegtay in ay gobolka ku matalaan baarlamaanka, kuwaasoo dadaal kasta oo nabadeed dib ka fur fura,” ayuu yiri Ugaas Cali Xaanshi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Ugaaska in dowladda Soomaaliya ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa xiisada colaadeed ee ka jira gobolka, ee sababay in dagaal beeleedyo ay ku lug leeyihiin ciidamada dowladda ay ka dhaceen, balse aanay madaxda dowladda hadalkooda wax tixgelin siinin sida uu yiri.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ka taagan falal amaan darro haba ugu badnaadaan dagaallada u dhaxeeya beellaha oo siweyn ugu badan deegaannada gobolkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com