Wax Khilaaf Ah Oo U Dhexeeya Madaxda Sare Ee Dowladda Soomaaliya Ma Ay Jiraan, Warka Lagu Baahiyay Qaar Kamid Ah Warbaabhinta Soomaalidana Waa Been Abuur.

0

00Muqdisho (AGGM): Waxaa maalmahan leeysla dhexmarayay warar ay si aad ah u faafiyeen amaba u daabaceen qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida, warkaas oo ahaa in Madaxda Sar ee Dowladda Soomaaliya uu u Dhexeeyo Khilaaf gaar ahaan Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Warkaas oo ay dabagal ku sameeysay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxaa soo cadaaday in warkaas uu yahay mid aan sal iyo baar lahayn, ayna baahinayaan shabakado u adeegaya dad dano gaar ah leh.

Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay xiriir toos ah la sameeysay labada xafiis ee Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo mas’uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano, Wasiiro, qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada, howl-wadeeno ka shaqeeyo xafiisyada dowladda iyo odoyaal dhaqameed ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, waxa ayna dhamaantood inoo cadeeyeen in wararkaas la baahinayo ay yihiin kuwo aan loo meel dayin, waxa kale oo ay inoo sheegeen in Madaxda Dowladda Soomaaliyana ay ku qosleen marki ay ku arkeen warkaas qaar kamid ah shabakadaha ku hadla amaba ku baxa afka Soomaaliga.

Waxaa sidoo kale wax khilaaf ah u dhexeeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo sadexda mas’uul xiriirkooda maanta uu ka sii wanaagsan yahay marki ay xilka qabteen.

Haddaba waxaa isweeydiin mudan waayo warbaahinta warkaas baahiyay, maxuu yahay ujeedka ay ka leeyihiin, maxayse ka faaiidayaan in ay isku dhacaan madaxa sare ee dowllada Soomaaliya? jawaabta su’aashaas qof walboo caqli leh waa uu garan karaa ujeedka ka dambeeya in la baahiyo warar been abuur ah.

Isku soo wada duuboo akhristeyaal waxaa bataatanba jirin wax khilaaf ah amaba kala fikir duwanaasho ah oo u dhexeeya madaxda ugu sareeysa dowladda Soomaaliya, kooxaha aaminsan fikirka ah (Tiinana Waanu Idinla Leenahay, Taayadana Waa Noo Gaar) waxaan kula talinaynaa afar sano kadib suga in uu dhaco khilaaf u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com