Daawo: Xasuuqa Reer Koonfur Afrika Ku Hayaan Shacabka Soomaaliyeed Oo Sii Socda

0

tooreyLondon(AGGM) Waxaa Gobollada Koonfur afrika wali si xawli ah uga socda xasuuqa shacabka Soomaalida ah ee lagu hayo dadka qaxootiga ah ee ku sugan gobollada dalkaasi isla markaasna ay dhaceen hantidii uu lahaa, Wiilkan oo habeen hore lagu dilay Magaalada Rustenberg ee Wadankaasi ayaa lagu Magacaaji jiray Bishaar.

Marxuunkan ayaa la sheegay inuu xilligii la dilayey uu afureyey,waxaana la xaqiijiyey inay dukaankiisa gudihiisa ugu soo galeen niman hubeysan kuwaasi oo la dhacay mindiyo isla markaasna meesha uga tagey isagoo maydka markii ay qaateen dhamaan wixii dhaqaale yaalay dukaankaasi.

Dilkan ayaa noqonay midkii labaad ee ka dhaca  Magaalada Rustenberg waxaana la sheegaya in laba maalin ka hor isna gudaha Magaaladaasi gaar ahaan dukaan uu ku lahaa lagu dilay Wiil soomaaliyeed kaasi oo isagana xabad ay la dhaceen kooxo wadanka Koonfur afrika u dhashay.

Ma jiraan cid u dooda xaquuqda shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koonfur afrika isla markaasna isku dayda inay la xisaabtanto dhibaatada shacabka Soomaaliya lagu kalana xisaabtanta dawladda wadanka Koonfur afrika,waxaana shacabku hadda noqdeen kuwo ka quustey inay ku sii sugnadaan wadankaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com