Barlamaanka Puntland Oo Ansixiyey Xildhibaano Cusub

0

Baarlamaanka-PuntlandGaroowe(AGGM) Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ansixiyey in xildhibaanada cusub ee iyaga bedelaya lagu soo xusho habkii wax ku qeybsiga beelaha, kadib muddo laba maalmood ah oo ay xildhibaanadu ka doodayeen sida lagu keenayo xildhibaanada cusub.

Afartan iyo dhawr  mudane oo ku sugnaa fadhiga ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey in xildhibaanada cusub ay soo xulaan Isimada Puntland oo awelba soo xulijiray xildhibaanada.

Maadaama la meermariyey in xildhibaanada cusub ay keenaan Isimada iyo waxgaradka beelaha,  ayaa dhinaca kale waxaa jira qaar kamida xildhibaanada oo ku doodaya in la kala saaro Isimadii soo jireenka ahaa ee awel wax soo xulijiray iyo kuwo cusub oo dhawaan kusoo biiray maslaxa Isimada, kuwaas oo xildhibaanada qaarkood ay ka biyo diidanyihiin inay wax soo xulaan.

Ugu dambeyntii ansixinta mooshinkaan ayaa kusoo beegmaya xilli hadal haynta ugu badan ee deegaannada Puntland ka jirtay ay ahayd qaabka ay ku imaanayaan xildhibaanada cusub, maadaama la joojiyey nidaamkii xisbiyada oo muddooyinkii dambe loo hanqaltaagayey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com