Dhagayso: Saraakiisha Kenya Oo Amar Ku Bixiyay Cidi Aan Taageersanayn Horjoogaha Falaagada Raaskambooni 5 Maalmood Gudahood Ha Isaga Guuraan Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in qeeybo kamid ah magaalada dadka ku sugan lagu wargaliyay in cidi aan taageersaneen horjoogaha falaagada Raaskambooni Axmed Madoobe ay mudo 5 maalmood gudahood ah isaga baxaan magaalada Kismaayo.

Dadkan dagan qeeybo kamid ah magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wargaliyay inay guryahooda uga baxaan 5 maalmood gudahood islamarkaana aysan joogi karin magaaalda haddii aysan taageersanayn horjoogaha falaagada Raaskambooni, waxaana amarkaas bixiyay sarkaal ka tirsan ciidamada kenya oo ku sugan Jaamacada magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in magaalada Kismaayo ay ka socdaan Bililiqo baahsan, dilal qorsheesan iyo kufsi barakicin  aan loo meeldayin oo loo geesanayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo marka laga reebo dadka u nasab sheegta faalagada Raaskambooni ee beesha Kablalax.

Biliqada dilalka iyo kufsiga ka socda magaalada Kismaayo waxaa qeeyb xoog leh ka qaadanaya saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa waxaa la soo sheegayaa bililiqada ay qaateen in lagu daabulayo maraakiibta taagan dekeda magaalada Kismaayo halka qaar kalena lagu dabaulay gaadiidka ciidamada Kenya la marinayana xaga dhulka.

Waxaa jira barakac baahsan oo si xoowli ah uga socda magaalada Kismaayo oo ay dadka ka barakacayaan iyagoo u barakacaya dhanka deegaanka Goobweyn oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo waxa ka socda kama aysan dhicin 23 sano ee la soo dhaafay, dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay isweeydiinayaan imisa ayay sii socon doontaa tacadiyada loo geeysanayo dadka shacabka ah ee aan waxbagalabsan ee ku nool magaalada Kismaayo.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_009.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Source Codka: SM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com