Haile Mariam: Waanu Xoojineynaa Xiriirka Dhinaca Aminga Ee Soomaaliya Nagala Dhexeeya

0

Ethiopian Deputy Prime Minister and Foreign Minister Hailemariam Desalegn attends the Joint Political Committee meeting between Sudan and Ethiopia in Khartoum December 24, 2011. REUTERS/ Mohamed Nureldin Abdallah (SUDAN - Tags: POLITICS)Addis Ababa (AGGM) Raisalwasaaraha dowlada Ethiopia Hailemariam Dessalegn ayaa Sheegay in dowladiisu ay xoojinayso taageerada ay la garab Taagantahay dowladda Federaalka Soomaliya, si Nabad iyo Xasilooni loogu soo dabaalo dalka Soomaaliya.

Raysulwasaaraha Itoobiya Hailemariam ayaa sheegay kadib kulamo uu la qaatay Wasiirka gaashaandhiga Soomaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi Magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya in Dowladdiisa ay taageero hiil iyo hooba la garab taagantahay Dowlada Federaalka ee Soomaliya.

Dhanka kale Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo Ka qeyb galay kulanka uu la qaatay Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa  xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ka baxayaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandiga Soomaliya C/xakiin Xaaji Max’ud oo isna dhankiisa  la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ra’isal Wasaaraha Ethiopia  ay kulankooda diirada ku saareen Xiriirka labo  geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada wadan.

Cabdi Xakiim Xaaji  fiqi ayaa intaasi ku daray in ay kawada Hadleen Ra’usul Wasaaraha Itoobiya sidii loo cirib tiri lahaaFalaagada Al-Shabab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaliya.

Ugu dambeyntii hadalkan waxaa uu imaanayaa xilli uu Wasiirka Gaashandhiga dawlada federaalka ah ee soomaaliya uu ku sugan magaalada Adddis Ababa ee caasimadda itoobiya halkaasu oo uu kulamo muhiim ah kula qaatey Raisalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam waxana ay ka wada hadleen xiriirka labada dalka sii xoojintiisa.