War Deg Deg Ah: Kismaayo Oo Lagu Gadaaman Yahay Iyo Ciidamadii Bare Oo Gudaha U Galay.

0

barre-hiiraale2Kismaayo(AGGM) Ciidamadii Madaxweynaha Maamulka Jubaland Col Bare Aadan Shiire Hiraale oo adeegsanaya Kaarto Mileteri oo culus ayaa gudaha u soo galay Magaalada Kismaayo,waxaana la arkayey iyagoo ku sugan qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Kismaayo,waxaan arrintaasi walaac iyo baqdin ka muujiyey horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay hadda ku sugan yihiin bartamaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadan isla markaasna ku doonayaan inay kaga sifeeyaan Jabhadda Raaskambooni,waxaana wararku sheegayaan in boqolaal ka tirsan ciidamada Col Bare Hiiraale hadda ku sugan yihiin naawaxiga Jaamacada Kismaayo.

Ciidamadan nawaaxiga Jaamacadda Kismaayo ku sugan ee Bare Hiiraale ayaa la sheegaya  inay doonayan inay ciidamo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni oo banaanka Magaalada Ku sugan kala wareegaan Fariisimaha ay ku sugan yihiin isla markaasna ka xigsadaan dhinaca ciidamada Kiiniya.

Kaartada dagaalka ee ciidamada Bare hiiraale ayaa la sheegay inay ku tahay sidii ay u kala god,oomin lahayeen ciidamada Jabhada Raaskambooni iyo kuwa Kiiniya iyadoo marka ciidamada Jabhadda Raaskambooni laga awoodo bato u carari jirey dhinaca ciidamada kiiniya kuwaasi oo garab siin jirey.

Ciidamada Kiiniya iyo kuwa jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay ku kala dhexjiraan ciidamada Col bare hiiraale oo doonaya inay ciidamada Jabhadda Raaskambooni banaanka Magaalada Uga saaraan isla markaasna si aysan gacan uga helin kuwa dawlada kiiniya,waxaana cadaan ah in ciidamada kiiniya hadda yihiin kuwo aan gacan qaadi karin isla markaansna meesha ay marayan ciidamada xoogga dalka soomaaliya.

Ugu dambeyntii xaalada Magaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsan waxaan afka furtey horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni,waxaana ay sheegayan inay dagaal kala hortagi doonaan isla markaasna iska caabin doonaan ciidamada Madaxweynaha Jubaland col Bare hiiraale.

Wararka ka soo kordha arrimahaasi kala soco Allgalgaduud

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com