Qaxooti Ka Laabtay Kenya Oo La Sheegay In Ay Gaareen Degmada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo.

0

BALAD-XAAWO-IYO-SUUQ-GUBTAY1Baled-Xaawo (AGGM): Iyadoo la wado qorshe la doonayo in gabi ahaanba qaxtootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya dib dalka loogu soo celiyo, ayeey durbaba qaxootiga Soomaalida qaarkood  bilaabeen in ay iskood dib ugu soo laabtaan, iyaga oo tagaya deegaannadii ay markii horeba ka soo jeedeen ee hadda nabad-galyadu ka jirto.

Qaxootiga dib ugu laabtay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gado ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen nolasha qalafsan ee ka jirta xeryahay Dhadhaab oo ay ku noolaayeen sida ay sheegeen sanadihii ugu danbeeyay, waxaana ay intaa ku dareen in ay siweyn ugu faraxsan yihiin dib ugu soo noqoshada dalkooda.

Xerada qaxootiga ee dhadhaab oo ah qaxootiga ugu badan ee caalamka ay ku jiraan ayaa bilihii ugu dambeeyay ay bilaabeen Soomaalidu inay dalkooda dib ugu laabtaan kadib markii gobollada qaarkood oo ay qaxootigaasi ka yimaadeen laga soo sheegay xasillooni.

Hay’adda Africa volunteers for relief and development “Avord” oo kaashanaysa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa u qeybisay saddex kun “3,000” oo qoys oo isugu jira qaxootiga soo noqday iyo kuwa gudaha dalka ku barakacayba alaabooyin kala duwan.

Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa hadda wada qorshe ay doonayaa in gabi ahaanba ay dalka Soomaaliya dib ugu soo celiyaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaas, kadib markii ay dowladda Kenya sheegtay in ay dhibaato ku yihiin nabad-galyada wadanka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com