Dhagayso:Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Mareykanka Oo Abaabul Ugu Jira Dacwad Ka Dhan Ah Cismaan Axmed Sheekh Kadib Markii Uu Ku Tilmaamay Al Shabaab.

0

osman1Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Columbus Ohio iyo Minneapolis Minnesota ayaa waxa ay sheegayaan in ay Jaaaliyadaha Soomaalida ee labadaas magaalo iyo magaalooyin kale ay ka biloowdeen biloowdeen dacwad ka dhan ah ninka lagu magacaabo Cismaan Axmed Shiikh kadib mar uu 17- 07- 2013 wareeysi siiyay shabakada Saadaal.com uu ku tilmaamay dad Soomaali American ah oo dibadbax ku sameeyay safaarada Kenya ee magaalada Washington DC inay yihiin Al Shabaab.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Waxa Uu Ku Hadlay Cismaan Axmed Sheekh.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Cismaan-Axmed-Sheekh.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Jaaliyada Soomaalida labadaas magaalo iyo magaalooyin kaleba ay bilaabeen inay ku soo ogaan dacwad ka dhan ah ninka lagu magacaabo Cismaan Sheekh Axmed kadib marki uu ku tilmaamay iany yihiin taageerayaasha Al Shabaab, kacdoon shacab oo ka dhan ahaa ciidamada Kenya ee ku sugan Somaaliya oo xasuuq ba’anu geeystay dad Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Kismaayo.

Dadkan ku mudaharaadayay irida hore ee safaarada Kenya ee magaalada Washington DC ayaa waxa ay u badnaayeen arday jaamacadaha dhigata iyo aqoonyahano mudo ku sugnaa dalka Mareykanka oo muujinayay dareenkooda Soomaalinimo iyo midkooda bini’aadamnimo iyagoo u dulqaadan waayay xasuuqa loo geesanayo dadka Soomaaliyeed ee daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Cismaan Sheekh Axmed ayaa wareeysigiisa waxa kale oo uu ku sheegay inay uga tacsiyeeyeen safiirka dowladda Kenya ee dalka Mareykanka dadka ku mudaharaadaya isagoona sheegay Kenya in la oran karo waa Dowladdooda Koowaad, waxa kale oo uu sheegay marki uu dhamaado Ramadaanka inay safiirka dowladda Kenya ku martiqaadi doonaan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota si uu safiirka u arko taageerada loo hayo dowladda Kenya.

Isku soo wada duuboo hadalkan kasoo yeeray Cismaan Axmed Sheekh oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa waxa ay u egtahay arrintaan mid gaari doonta meel aad u fog sababtoo ah ma ay sahlana inaad Jaaliyad dhan ku tilmaanto in ay ka tirsan yihiin urur aragagixsada caalamiga ah taa oo laga doonayo inuu keeno cadeeynteeda.

Maxamed Cismaan Saciid
Nairobi, Somaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com