Mucaaradka Jabuti Oo Codsaday Inay Xukumada Ku Kala Baxaan Dimuqraddiyada Somaliland Oo Kale.

0

jabuuti-somaliaHargeysa(AGGM) Mucaaradka iyo Xukuumadda Jabuuti ayaa la filayaa inay wadahadal toos ah ka yeesheen dhibaatooyinkii ka dhacay Doorashooyinkii u danbeeyay ee Dalkaas ka dhacay oo loo xidh xidhay Saraakiil ka tirsan Mucaaradka.

Ismaaciil Geedi Xareed Guddoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Dalka Jabuuti oo u waramayay Idaacadda VOA-da ayaa cadeeyay in ay u soscdaa waa waana lagu doonayo in xal lagaga gaadho dhibaatooyinka hor yaala Mucaaradka iyo Xukuumadda, waxaanu xusay fursadaasi in ay dhici doonto bishan Ramadaaan oo ay u xusheen oo ah bil-khayr.

Ismaaciil Geedi Xareed mar la weydiiyay qaabka ay xal ugu heli karaan aragtiyaha iyaga iyo Xukumadda u dhaxeeya waxa uu sheegay in aanay meel dheer ka dayayn ee ay ka dheegan doonaan Somaliland Dimuquraadiyadda ay ka gaadhaan khilaafaadka siyaasigaa ah ama kuwa Doorashooyinka uu ka dhaca.

“ awal hore Dimuquraadiyadda waa loo dhhoofi jiray, imika meel dheer agama jirto waa tan Lawyacado ayay taalaa, waa ta Somaliland ay isticmaasho ee ay ku kala baxdo, waxaanu jecelahay in aanu aayo uga tagno Ubadakayaga oo aanu heshiis ka gaadhno khilaafaadka siyaasiga ah” ayuu yidhi Ismaaciil Geedi Xareed.

Ismaaciil Geedi Xareed mar la weydiiyay waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ka rajaynayaan wadahadalada, waxa uu xusay marka hore in ay Xukuumadda ka codsan doonaan in la sii daayo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, mar ka xigtana in kuraastii ay ka heleen Doorashada la siiyo.

Ugu dambeyntii Jamhuuriyadda Curdanka ee Somaliland ayaa  noqotey meel looga daydo Dimuqraadiyadda iyo Hanaanka Doorashooyinka Xisbiyadda Badan,waxaana lagu wadaa in dalka Jabuuti uu isna la mid noqdo Jamhuuriyadda Curdanka ee Soomaalialnd taasi oo intii dalka Soomaaliya burbursanaa nabad iyo xasilooni lagu amaana ka jirtey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com