Dagaal Ooge Xaaji Yasiin Jaamac '' Aniga Qabtey Shirka Nairobi Dhaqaalahana Bixiyey,Dawladda Waa Looga Soo Horjeeday''

0

GudoomiyahaKismaayo(AGGM) Ka dib kulan habeenaddi la soo dhaafay ka dhacay Huteelka Grand Regency ee Magaalada Nairobi waxaa ka soo baxaya warar is burinaya iyadoo kulankaasi ay albaabada u laabeen isagoo socda ciidamada Sirdoonka Wadanka kiiniya inkastoo ay nasiib u yeesheen inay kooxdii halkaasi isugu timid qaarkood inay khubaddo jeediyaan.

Kulankan oo ay kooxdaasi ku tilmaamtey inuu ahaa mid casho ah ayaa la xaqiijiyey in looga soo horjeeday dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo kulankaasi ay soo qaban qaabiyeen koox ka tirsan Jabhadda Raaskambooni iyo Ganacsato ka soo jeeda degaanadda Gaarisa Gubaay,waxaana kulankaasi ka soo qayb galay siyaasiiyiin baal madow kaga jira taariikhda soomaaliya kuwaasi oo qaarkood dhac iyo boob u geysteen hantidii qaranka Soomaaliyeed oo ay ugu horeysay tii dawladii dhexe ee Soomaaliya iyo dawladii kmg ah ee dalka soo maray.

Gudoomiyaha Ganacsatadda Gaarisa iyo kilinka Shanaad dagaal ooge Xaaji Yaasiin Jaamac oo ka mid ah dadka  tgageera Jabhadda Raaskambooni isla markaasna ah ragga gacan ka geysanaya dhibaatada ka socda Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday inay kulankaasi iyagu soo qaban qaabiyeen isla markaasna loogu dan laha dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxana uu sheegey in kharashka iyagu bixiyeen.

Hadalkan ka soo yeeray Dagaal Ooge Xaaji Yaasiin Jaamac ayaa beeniyey warar siyaasiiyiinta Soomaalidu ay soo dhigeen Boogagooda Facebook & Twitter kaasi oo ku aadanaa in shirkaasi ahaa mid Cashar Sharaf ah isla markaasna aan looga hadlay wax siyaasad ah,waxaana arrintaasi ceeb ku noqotey siyaasiiyiintaasi.

Waxaana uu yiri ” Shirkaasi waxaa nooga baxay sharaf badan,anaga shirkaasi u qabanay rag raisalwasaareyaal ka soo noqday dawladihi hore, Musharixiin u tartamay madaxtinimadda soomaaliya & siyaasiin kale,Waxaana uga gol lahayn inaanu Madaxweyne Xasan Shiikh tusno khaladkiisa ku aadan inuu is hortagay maamulka jubbaland,waxaana uu ogolaaday Mareeg State,Ximan Iyo Xeeb iyo kuwo kale oo badan ”

Xaaji Yaasiin Jaamac ayaa ah nin u ololaya dhibaatada ka taagan Magaalada Kismaayo inay sii socoto,waxaana uu sheegay inuu isagu kharashka huteelkaasi ay bixiyeen,waxaana uu tageerayaa Jabhadda Raaskambooni oo gudaha Magaalada kismaayo maalin kasta dhibaato lixaad leh ka geysata.

Dhinaca kale Ragga siyaasiiyiinta sheeganayey ee kulankaasi lagu qalday ayaa ahaa rag shacabka Soomaaliyeed dambi weyn ka galay kuwaasi oo qaarkood ay dhaceen hantidii dawladiihii hore ee Soomaaliya isla markaasna qaarkood hanti ka dhisteen wadamada dibedda iyadoo qaarkoodna ay akoonadda caalamka ku shubteen,mana jiraan wax sharaf ah oo ay ka leeyihiin gudaha soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa hadalkan ka soo yeeray Xaaji Yaasiin Maxamed ceeb iyo waji gabax ku noqday siyaasiiyiintii kulankaasi ka qayb galay isla markaasna iyagu shaaciyey inay kulankaasi qabsadeen ay kaga hadlayeen arrimo caadi oo aan dawlada soomaaliya looga soo horjeedin,waxaana arrintaasi maanta soo wajahday siyaasiiyin aad u badan kuwaasi oo farta dhexda ka qaniinsan arkayna dabinka loo dhigey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com