Daawo: Madaxweynaha Khaatumo Seeg Oo Qiranaya In Gaajo Ciidamadiisa Dishay,Inay Isdhiibaan Ay Rabaan

0

karaashKismaayo(AGGM) Dhulka Soomaaliyeed meel kasta uu ku yaalo ma jiro dhul ama degaan ay qabiil Soomaaliyeed ku gumeystaan Qabiil kale,waxaana taariikhda Caalamka iyo midda soomaalidu qortey baal dahab ahna ku qortey in Degaanada Sool,Sanaag iyo Cayn ay yihiin degaano ay hadda Gumeystaan ama Maamulaan qabiil la mid ah qabiilka dega.

Dadka Degaanadaasi ka soo jeeda waa dad u fudud inay shilin lacag ah ku bedeshaan dhulkooda isla markaasna jecel in la gumeysto oo xabsiyadda laga buuxiyo,Waxaana cadaan ah inay dalka Soomaaliya ka yihiin Reer Falastiin isla markaasna ay ku caan baxeen mudahaaradyo iyo wax la mid ah.

Kooxdan ayaa sameystey Jabhad la magac Baxda Khaatumo Seeg taasi oo ay kaga tuugsan jireen wadamada Qurbaha jaaliyadda ku dhaqan isla markaasna ay kaga gurteen malaayiin dollar dad masaakiin ah una sheegeen inay dadkooda iyo dalkooda xoreynayaan,waxaana la sheegaya in dhulkooda ay dawlada Soomaaliland ay xoog ku haysato sanado 10 sano ku dhaw.

Dhinaca kale Kooxdan Khaatumo seeg meelaha laga doodo waxay ka sheegaan inay iyagu haystaan degaanadooda,balse waxaa cadaan ah inay degaanadaasi ku sugan yihiin Kumanaan ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliland kuwaasi oo talaabo sharci ah ka qaada cidi awaamiirtooda ka hor timaad.

Sidoo kale kooxda ku caan baxday Baxsashada iyo hunguri weynaanta ayaa ah kuwo maalin kasta iyagoo toban toban ah iska dhiba xeryaha ciidamada Somaliland sidii dad qaxooti ah kuwaasi oo intooda badan hubka dhigis lagu sameeyo isla markaasna suuqa lagu sii daayo.

Ugu dambeyntii halkan waxaan idinku soo gudbineynaa Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Seeg Axmed Karaash oo shaacinaya inuu isu dhiibayo Somaliland ama uu dhacayo xoolaha dadka reer guuraga ah,waxaana taasi ku cadeyneysaa bahdilaada ay ku jiraan kooxdaasi.

NB: Warbaahinta Khaatumo,hadda kor ayaan  u dirnay digniin, Anaga Oo Uga Digeyno Inay Joojiyaan Aflagaadada beesha Sade Iyo Madaxdooda, Nasiib Daro Waa Ay Ka Dhego Adeegeen, Haddana Waxa Biloowday Waa Waxii Ay Ka Digeeysay Warbaahinta Allgalgaduud Media. Warbaahinta Khaatumo  Waxa Ay Caado ka dhigteen inay website-yadooda ku cayaan Beesha Sade iyo Madaxdooda, Nin Walbaa Sida Uu U Dhaqmo Ayaanu Ulla Dhaqmeynaa Hadaanu Nahay Warbaahinta Beesha Sade.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com