Dhagayso: Axmed C/salaan Oo Ka Warbixiyay Dibadbixi Ka Dhacay Magaalada Washington DC Jawaab Kululna Ka Bixiyay Hadal Kasoo Yeeray Mid Kamid Ah Jaaliyada Punland.

0

top-newsAqoon yahan Axmed C/salaan oo kamid ah dadka u ololeeya arrimaha Soomaaliya oo isagoo ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu ka warbixiyay qaabki uu u dhacay dibadbaxi looga soo horjeeday ciidamada Kenya joogitaankooda dalka Soomaaliya.

Dibadbaxi Washigton Dc waxa uu inoogu dhacay sidaan ugu talogalnay, waxaana kasoo hoyin guul fara badan oo xataa waxaan warqado u qeeybinay dhoowr iyo afartan safaaradood oo deris la’ahaa safaarada Kenya ee magaalada Washington Dc, waxaa kale oo aan warqado u gudbinay mas’uuliyiins are oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Axmed C/salaan ayaa waxa uu sidoo kale laalay amaba jawaab kulul ka bixiyay war ka soo yeeray mid kamid ah jaaliyada Puntland ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Cismaan Axmed Shiikh kaas oo dadki dibadbaxayay ku tilmaamay inay ahaayeen Taageerayasha Dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab oo isbaheeystay islamarkaana ay qadka telefoonka kula xiriireeb safiirka dowladda Kenya u fadhiya dalka Mareykanka iyagoo uga tacsiyeeyay in lagu mudaharaado, waxa kale oo ay u sheegeen safiirka Kenya inay taageersan yihiin joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Cismaan Axmed Shiikh ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay martiqaad u fidiyeen bacda Ramadaan safiirka dowladda Kenya ee dalka Marekanka inuu ku soo booqdo magaalada minneapolis gobolka Minnesota si uu arko taageerada jaaliyada Puntland u
hayaan joogitaanka ciidamada Kenya.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Waxa Uu Ku Hadlay Cismaan Axmed Sheekh

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Cismaan-Axmed-Sheekh.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Mudane Axmed C/salaan ayaa waxa uu sheegay in dadka muwaadiniinta Mareykan ah ee shucuurtooda muujinayay islamarkaana lagu tilmaamay inay yihiin Al Shabaab inay xaq u leeyihiin in ay xaq u leeyihiin in dacwad ka dhan ah Cismaan Axmed Shiikh dowladda Mareykanaka u gudbiyaan lana tiigsadaan sharciga maadaama uu isagu yahay shaqsiqa yiri waa Al Shabaab dadka dibadbaxayay.

Gabogabadi aqoonyahan Axmed C/salaan ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay kooxihi dhawaan ku shiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee ay horboodayay Proff. Cali Khaliif Galayr..

Axmed C/salaan Wareeysi Xiiso Badan Oo Taabanaya Dhinacyo Badan

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/axmed_0001.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com