Bac-Madowdii Kismaayo Oo Lagu Wado In Loo Duuliyo Degaanadii Ay Ka Yimaadeen

0

bac-madoow1Kismaayo(AGGM) Kooxdii Bacda Madow wadatey ee sanadkan horaantiisa diyaaradaha lagaga soo daabulay Gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in loo duulinayo maanta ama maalinimada beri ah degaanadii laga soo aruuriyey,waxaana la sheegaya inay maanta sugayeen diyaaradii qaadi lahayd kuna celin lahayd degaanadii laga soo daabuulay.

Magaalada Kismaayo maanta waxaa la sugayey in diyaaradii qaadi lahayd kooxdaasi ay soo fariisato balse waxaa laysla dhexmarayaa in qaaditaanka koofiyad baclayaashan la qaadayo maalinimmada beri ah inkastoo wararka qaarkood sheegayaan in maanta laga yaabo in diyaaradi timaado isla markaasna loo duuliyo gobolka Gedo.

Kooxdan Bac-Madowda ah ayaa ah dad laga soo aruuriyey tuulooyinka iyo Suuqyadda xoolaha lagu iibiyo ee Gobolka Gedo kuwaasi oo u  badnaa dilaalintii xoolaha ee suuqyadaasi,waxaana la sheegaya in maalmihi la soo dhaafay ay xaalad darani la soo deristey isla markaasna ay codsadeen in dib loogu celiyo degaanadii ay ka soo duuleen.

Kooxdan ayaa ku xereysnaa Xaruntii Jaamacadda Kismaayo waxaa halkaasi ay kala kulmeen dhibaato xoogan oo isugu jirta Handaad iyo af Xumo ay kala kulmayeen Jabhadda Raaskambooni iyo ciidamada Kiiniya oo dhibaato xoogan ku hayey,waxaana arrintaasi ay shaaciyeen maalmihi u dambeyey.

Ugu dambeyntii kooxdan oo ah koox aan cidna ma telin ayaa laga yaabaa inay dhibaato la kulmaan marka ay dib ugu laabtaan gobolka Gedo isla markaasna xabsi ay mutaan iyadoo maamulka Gobolka Gedo shaaciyeen inaysan aqbali doonin in kooxdaasi dib ugu soo laabato gobolka Gedo,lama yaqaano qaabka Maamulka  Gedo ula dhaqmi doonaan kooxdan bacaha madawo ku qalabaysan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com