Alshabaab Soo Dul Dhoobtey Magaalada Baydhabo Markii Itoobiyaanku Baxeen

0

baydhabo1Muqdisho(AGGM) Markii ay shalay ciidamadii dawlada itoobiya ee ku sugnaa Magaalada Baydhabo halkaasi ka baxeen ayaa la sheegaya in shabaab aad u tiro badan ay soo dul dhoobteen dhawr jiho oo ku dhaw Magaalada Baydhabo,waxaana la sheegaya inay awoodooda ciidan isugu keeneen xabsigii Labatan Jirow.#

Alshabaabkan ayaa la sheegayaa inay ka soo ka kicitimeen degmooyinka ku dhaw dhaw Magaalada Baydhabo,waxaana laga cabsi qabaa inay weeraro culus ku qaadaan Magaalada Baydhabo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamo tiro yar oo ka tirsan Amisom iyo kuwa dawlada federaalka ah.

Alshabaabkan ayaa la xaqiijinayaan inay ku hubeysan yihiin gaadiid dagaal oo badan isla markaasna waxa laga cabsi qabaa in ciidamada dawlada federaalka ah iyo kuwa Amisom ee ku sugan Baydhabo halkaasi weerar ku qadaan isla markaasna uu ka dhasho khasaare  lixaad lehi.

Falaagada Alshabaab ayaa la sheegay inay ka faaiideysanayan ka bixitaanka ciidamada dawlada itoobiya ee halkaasi ku sugnaa,waxaana la shaacinayaa inay ciidamada Alshabaab ay rajo ka qabaan inay la wareegaan Magaalada Baydhabo oo hadda ay maamulayso dawlada federaalka ah iyo ciidamada Amisom ka tirsani.

Ugu dambeyntii waxaa wararku sheegayaan in ciidamada dawldaa iyo kuwa Amisom wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Faalagada Alshabaab,waxaana la sheegaya in hadda ciidamada dawladdu ku sii jeedaan degaanka Labatan jirow oo ay ku sugan yihiin ciidamada Alshabaab iyadoo wararku sheegayaan inay degaano kalena farisiimo cusub ka sameysteen shabaabku.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com