Fadeexad Ka Dhacday Shirkii Siyaasiyiinta Soomaalida Ee Nairobi Xalay

0

Amin-CusubKismaayo(AGGM) Kulan ay xalay isugu yimaadeen Siyaasiyiin caan ah hore wadanka Soomaaliya xilal muhiim ah uga soo qabtey ayaa la sheegay inuu dawlada federaalka iyo dawlada Kiiniya shaki ku kala dhex dhaliyey isla markaasna sababay in Qaramada Midoobay arrintaasi faraha la soo gasho iyadoo xiriir la sameysay Madaxda dalka Kiiniya.

Kulankan oo xalay fiidkii ka dhacayey Huteelka Lacio Regecy ee Magaalada Nairobi ayaa ahaa mid ay ka soo qayb galeen Xildhibaano Dawlada federaalka ah ka tirsan,Siyaasiyiin caan ah oo dalka soomaaliya xilal muhiim ah ka soo qabtey & ganacsato soomaaliyeed, waxaa kale oo weheliyey xildhibaano Soomaali ah oo ka soo jeeda wadanka Kiiniya xilalna ka haya dawlada kiiniya.

Kulankaasi markii u furmay ayaa la sheegay in dawlada federaalka ah ee Soomaaliya xiriir dacwo ah u gudbisay Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,waxaana uu Markiiba xiriirka madaxda dawlada ka bixiyey jawaab deg deg ah isagoo khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dalka Kiiniya Uhuru Kenyatta,waxaana la sheegay inuu kala hadlay wararka sheegaya in dawladiisu ay wado qorshe ka dhan ah dawlada federaalka ah ee kiiniya isla markaasna dabada ka riixayso Siyaasiyiin Soomaali ah.

Uhuru Kenyatta ayaa la shaaciyey inuu sheegey inuusan arrintaasi waxba kala socon isla markaasna uusan war u hayn,waxaana la sheegay inuu markiiba Uhuru Kenyatta Xiriir deg deg ah la yeeshay Taliyaha Sirdoonka Dalka Kiiniya isla markaasna ku war geliyey inuu jawaab deg deg ah ka keeno hawsha socota Huteelka Lacio Regency,waxaana la sheegey in markiiba halkaasi lagu dalbaday ciidamo Sirdoon ah.

Kulankaasi oo gebo gebo maraya isla markaasna dhamaad ah ayaa la sheegay inay ciidamada Sirdoonka dalka kiiniya halkaasi gaareen isla markaasna siyaasiyiinta qaarkood la sheegay markii ay arkeen inay sirdoonka kiiniya hoolka shirarka ku soo fool leeyihiin banaanka uga,waxaana la sheegay inay siyaasiiyiinta halkaasi ka baxsaday inay ahayeen Cumar Cabdirashiid & Yusuuf Garaad Cumar.

Sirdoonka Kiiniya ayaa la sheegey inay hakad galiyeen shirkaasi isla markaasna masuuliyiintii farta loogu soo fiiqay ay ka codsadeen inay arkaan basabooradooda,waxaana la sheegay in ragga dukumentiyada la waydiyey ay ka mid ahaya Cali Khaliif Galeyr ,Shiikh Aw Libaax,Cali Maxamed Geedi & Cabdiraxmaan Baadiyoow.

Kulankaasi waxaa nasiib u yeeshay inuu khudbadiisa dhamaysto Dr Cali Khaliif Galeyr iyo dhawr siyaasi oo kale,waxaana la sheegay in markiiba ciidamada Sirdoonku ku amreen inay xabsiga loo dhaadhicin doono dadkaasi hadii aysan meesha baneyn mudo 15 daqiiqo ah,waxaana la sheegay in halkaasi ka dhacday kala orod iyo dhumasho oo nin kastaa meeshii uu deganaa uu abaaray.

Ugu dambeyntii Kulankan oo ahaa mid dawlada federaalka ah iyo QM ay ka war haysay ayaa la sheegay in laga sii digay isla markaasna uu Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya shaaca ka qaaday in dawlada federaalka ahi tahay mid buuxda isla markaasna aan loo baahnayn in la mucaarado,waxaana talaabadaasi maanta cadeynayeysaa sida loo kala bursaday qaswadayaasha Soomaaliya ee dawlada federaalka ah ku mucaaradka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Amin-Cusub