Madaxweyne Faroole Oo Lagu Eedeyey Dagaalkii Ka Dhacay Qardho

0

cddeKismaayo(AGGM) Masuuliyiin iyo waxgarad ka soo jeeda degaanada Puntland ayaa si kulul uga hadlay iska hor imaadyadii shalay ka dhacay Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana masuulyiintaas iyo waxgaradkaasi shaaciyeen inuu Masuuliyadda dagaalkaasi uu qaadayo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Masuuliyiintan uu ka midka yahay Madaxweynihi hore ee Puntland Jeneraal Cade Muuse Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in masuuliyadda dagaalkaasi uu qaadayo Madaxweyne Faroole isagoo sabab uga dhigay inuu doonayo inuu xilka Madaxtinimadda Puntland si xoog ah ku kororsado.

Jeneraal Cade waxaa uu sheegey in degaanada Puntland nidaam ka jiro isla markaasna aysan jirin sabab xilligan looga hirgeliyo nidaamka xisbiyadda Badan,waxaana uu sheegey in qorshihii Cabdiraxmaan Faroole hore loogu soo doortey in doorashada Puntland ay u dhacdo,waxaana uu xusay in shacabku walaac ka qabaan in faroole ku shubto arrinta hababka asxaabta badan,waxaana uu sheegey inuu shalay ku fashilmay.

Dhinaca kale waxgaradka gobolka Karkaar oo ka hadlay dhacdadi shalay ayaa daaha ka qaaday in dhibaatadii ka dhacday Qardho uu dusha u ridanayo Madaxweyne Faroole oo ay sheegeen inuu Magaalada Qardho keenay Sanaadiiq codad badan ka buuxaan isla markaasna xafiiskiisa laga soo buuxiyey. waxaana ay ku eedeyeen inuu doonayo inuu kursiga Madaxtinimadda Puntland sii fadhiyo Faroole iyagoo sheegay inaysan u suuro gali doonin.

Si kastey ahaataba waxaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta Puntland sheegeen in dhibaatadii dhacday uu masuuliyadeeda leeyahay Dr Faroole iyagoo sheegay inuu haddana wado qorshe kale oo sababi kara dagaalo shacabka iyo maamulka dhexmara,waxaana ay sheegeen in dhibaatada uu geysanayo Faroole ay tahay mid aan sahlaneyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com