Itoobiya Oo Ka Baxday Magaalada Baydhabo Amisoma Ku Wareejisay Fariisimahoodii

0

Ethiopian troops ride on a military truck in Somali's capital MogadishuMuqdisho(AGGM) Ciidamadii dawladda itoobiya  ayaa maanta baneeyay xarumihii ay kaga sugnaayeen magaalada Baydhabo,waxaana xarumahaasi si toos ah ula wareegay ciidamo ka socda Amisom kuwaasi oo fariisimo ka sameystey xarumihii ciidamada itoobiya ka baxeen,waxaana la sheegayaa in ciidamadii itoobiya dhinaca xaduudkooda u ruqaansadeen.

Afhayeenka Ciidanka ka socda midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ee Amisom Col Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay gebi ahaanba ka baxeen magaalada Baydhabo.Waxaana uu sheegey in ciidamada Amisom ay la wareegeen xarumihii ay ku sugnayeen ciidamadaasi.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay jireen wada hadalo socday oo ku aadanaa sidii ay ciidamada Amisom ula wareegi lahaayen amaanka gobolka Bay,waxaana uu sheegay in wada hadaladaasi guul kun dhamaadeen isla markaasna ciidamada itoobiya ka baxeen gobolka Bay.

Xarumaha muhiimk ah ee ciidamada itoobiya maanta baneeyeen waxaa ka mid ahaa Xaruntii Xaseey & garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo halkaasi oo ay ku sugnayeen intii falaagada Alshabaab laga saarey Magaalada Baydhabo,waxaana la sheegayaa in ciidamada itoobiya amaanka Magaalada Baydhabo wax badan ka qabteen intii ay ku sugnayeen.

Ugu dambeyntii  Falaagada Alshabaab ayaa inta badan si xoogan uga cabsan jirey ciidamada itoobiya isla markaasna aan weeraro badan ku soo qaadi jirin Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo iyo xarunta Xaseey iyagoo inta badan bar tilmaameedsan jirey farisiimaha ciidamada dawlada ee gudaha iyo banaanka Baydhabo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com