Fadeexad: Horjooge Axmed Madoobe Oo Warqado Dacwo Ah Oo Uu Direy Dib Loogu Soo Ceshay

0

17921Kismaayo(AGGM) Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka soo baxaya Jabhadda Raaskambooni ayaa sheegay in fadeexad la soo deristey Garabka Axmed Madoobe  ee Jabhadda Raaskambooni ka dib markii ay warqad ay u direen Xafiisyadda IGAD & QM sideedi lagu soo celiyey isla markaasna muujisay inaysan wax jawaab ah ka bixineyn codsiga Axmed madoobe oo dhawr jeer lagu war geliyey inuu dawlada federaalka hoos fariisto.

Illo-wareedka ayaa xaqiijiyay in Warqado ka baxay Xafiiska Jabhadda Raaskambooni gaar ahaan Axmed Madoobe oo loo kala diray IGAD iyo QM dib loogu soo celshay Xafiiskiisa. Warqadaha ayaa waxaa la sheegayaa inay ku qornaayeen Dacwado Axmed Madoobe uu ka gudbiyay Xukuumadda Soomaaliya taasoo daba soctay Dacwad ay Wasaaradda Gaashandhiga iyo Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ka gudbisay Ciiddamadda Kenya ee jooga Magaalladda Kismaayo.

Warqadaha laga diray Xafiiska Axmed Madoobe, ayaa waxaa la sheegayaa in dib loogu soo ceshay Xafiiskiisa taasoo ka turjumeysa Calaaqaadka ka dhexeeya Xukuumadda Soomaaliya iyo IGAD, QM. Waa markii ugu horeysay uu Axmed Madoobe warqado gaarsiiyay IGAD iyo QM balse uu ku guul dareystay, iyadoona ay macluumaadkaasi baxsheen Maamulka Puntland oo dhowr mar iyaguba dib loogu soo celshay warqado ceynkaasi ah.

Horjoogaha Raaskambooni waxaa jar uga talaabsaday Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo isagu jar ka laadlaada isla markaasna marin habaabiyey Horjoogaha Jabhada Raaskambooni oo maanta la meel uu ciirsado isla markaasna ku jaahwareersan siyaasada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland balse caalamku u aqoonsan yihiin Argagixiso wajiyo badan leh, ayaa waxa uu ku fashilmay isku daygii ugu horeeyay oo uu IGAD iyo QM uga dalbaday in la joojiyo ka saarida Ciiddamadda Kenya Magaalladda Kismaayo hayeeshee ay la gadoontay Siyaasadii uu damacsanaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com