DFS Waxay ka Xuntahay Shaqaaqooyinka ka Dhacay Puntland:-WARSAXAAFADEED

0

IMG_5014Muqdishi(AGGM) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa sheegay in DFS ka xuntahay kana tacsiyaynayso qul-quladihii ka dhacay Puntland.

“DFS waxay daneynaysaa nabadda iyo daganaanshiyaha gobolada Puntland iyo dhamaan Soomaaliya. Waxayna ka xuntahay shaqaaqooyinka iyo geerida dhacday – intii dhimatay Alle ha u naxariisto, dhaawacana Alle ha caafiyo,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale cadeeyay go’aanka dawladda ee ku aadan xalka iyo sida ay dawlad goboleedka Puntland u maaraysay shaqaaqooyinkaas.

“Go’aanka dawlad goboleedka Puntland ee xal doonka ah waa talaabo loo qaaday dhinaca saxda ah,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu asagoo intaas ku daray in DFS ayadoo taageersan horumarinta dhinaca dimuqoraadiyaynta hadana ay tahay in wax walba ku socdaan hab nabadeed iyo rabitaanka shacabiga.

Ugu danabayntii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa muujiyay in DFS ay diyaar ula tahay Puntland wax walba oo kaalmaynaya horumarinta dimuqoraadiyaynta dalka iyo rabitaanka shacabiga.

–DHAMAAD—