Warsaxaafadeed: Ergeyga Qaramadda Midoobay oo Booqday Puntland.

0

kay1-150x150Garoowe(AGGM) Ergeygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay (SRSG), Nicholas Kay, ayaa booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, taasoo ah booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago Puntland tan iyo markii uu qabtay xilka madaxa Hawlgalka Qaramadda Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) 3dii bishii June.

Markuu ka degay Garoowe, Ergeygga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri: “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan booqdo puntland oo aan la kulmo Madaxweynaha puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. puntland waxay kaalin weyn ka qaadatay dadaalkii loo galay dhammeynta xilligii ku-meel gaarka ee Soomaaliya, waxaana ku hanwynahay inay sii wado qaybta wanaagsan ee ay ka qaadato taageeridda marxaladda ka dambeysta ah ee  ku-meel gaarka iyo nabadaynta.” Wuxuu sidoo kale uga tacsiyeeyay dadka iyo maamulka puntland geeridii ku timid Alle ha u naxriisee Boqor Cabdullaahi.

Kulankii uu la qaatay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo mas’uuliyiinta kale ee sar sare, Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu sharaxaad ka bixiyay xilka loo idmaday UNSOM oo ah in taageero loo fidiyo dhisidda,tayada qaranka, nabadaynta, maamul wanaagga, dib u habaynta waaxaha amniga, ku dhaqanka sharciga, xuquuqda aadanaha, “ergeyn” dhexdhexaadin ah iyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo isku xirka iyo isuduwidda gargaarka caalamiga.

Inta uu ku gudda jiro booqashadiisa, Ergaygga Gaarka ah wuxa uu ku wareejin doonaa  mas’uuliytiinta Gobolka xafiisyo ay UNDPda u dhistay Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Guddiga Garsoorka, mashruucan wuxuu ka mid yahay mashaaricda loogu fududeynayo ummadda sidii ay ku gaari lahaayeen cadaaladda.

Ergayga, waxa kale ee  uu la kulmi doonaa Afhayeenka Baarlamaanka  puntland, xubno ka socda bulshada rayidka iyo Guddiga Ku-Meelgaarka ee Doorashada puntland. Wuxuu caddeeyay inuu rajeynayo in doorashooyinka dowladaha hoose ee lagu wado in la qabto 15ka July loo qaban doono si nabad ah. “Hanaanka dimuqraadiyeynta puntland waa muhim. Dabcan, mar walba waxaa jira wax dheeraad ah oo loo baahanyahay in la barto. Xafiiska UNSOM ee Garoowe wuxuu maamulka iyo bulshada rayidka kala shaqeyn doonaa dhammaan arrimaha la xiriira waajibkeena iyo xilka naloo igmaday”, ayuu yiri.

Dhamaad

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com