War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Hadda Ka Dhacay Nawaaxiga KM4 & Garoonka Diyaaradaha U Dhexeeya

0

Breaking_NewsMuqdisho(AGGM) Waxaa hadda inta u dhexeysa  Garoonka diyaaradaha iyo KM4 ka dhacay qarax aad u xoogan kaasi oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa,waxaana la sheegaya inuu qaraxaasi sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh oo dad shacab ah soo gaaray.

Wararka ayaa sheegay in Kolonyo mareysay inta u dhaxeysa Xaruntii UNDP iyo Sartii Maslaxa lagu weeraray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. waxaana la shaacinaya inuu qaraxaasi ahaa mid aad u xoogan inkastoo aan wali la shaacin khasaaraha ka dhashay inta uu leeg yahay.

Qaraxan waxaa lagu bar tilmaameedsadey ciidamo badan ka tirsan kuwa Amisom xilli ay gaadid dadweyne halkaasi mareyeen,waxaana la aaminsan yahay in khasaaraha ugu badan soo gaaray dad shacab ah iyadoo halkaasi ay ku sii qulqulayaan gaadiidka gargaarka deg deg ah,waxaana wadooyiinka soo gala agagaasi xirey ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom.

Ugu dambeyntii ma cada khasaaraha ka dhashay, hase ahaatee wararka ugu xoogan ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta uu ka dhacay meel aad ugu dhow Xarunta UNDP oo bishii hore la weeraray. bals waxaa la sadaalinayaa inay dad shacab ahi ku waxyeeloobeen qaraxaasi maadama ay mareyeen gaadiid badan oo shacab leeyahay nawaaxigaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com