War Deg Deg Ah: Ciidamadii Gobolka Gedo Iyo Kuwa Itoobiya Oo U Ruqaansaday Dhinaca Jubooyinka

0

Breaking_NewsKismaayo(AGGM) Ciidamada dawlada federaalka ah oo garab ka helaya kuwa dawlada Itoobiya ayaa la sheegayaa inay saaka waberigii ka soo ruqaansadeen dhinaca degmada Garbahaarey iyagoo ku soo wajahan dhinaca Jubooyinka waxaana la sheegayaa inay ciidamada itoobiya la la socdaan ciidamo badan oo kuwa dawladda Federaalka ah.

Ciidamadan ayaa la aaminsan yahay inay doonayaan inay dib ugu soo celiyaan gacanta dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana laga cabsi qabaa in degaanada Jubooyinka ay cudud ku yeeshaan kooxaha ONLF iyo Alshabaab kuwaasi oo gacan saar la leh ciidamada jabhadda Raaskambooni.

Ciidamadan ayaa la aaminsan yahay inay dagaalkooda ka soo bilaabayaan dhinaca gobolka Jubadda Dhexe ilaa kismaayo halkaasi oo ay ka cabsi qabaan inay ku abuurmaan Jabhadda Onlf oo garab ka helaya kuwa Raaskambooni iyo Alshabaab,waxaana ciidamadan socon doonaan ilaa gudaha Magaalada Kismaayo.

Wararka Ka Soo Kordha Ciidamadaasi kala soco Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com