Ra'iisal Wasaaraha Oo Dhaleeceeyay Kana Tacsiyeeyay Khasarihii Weerarka Is-miidaaminta Ahaa Ee Lala Beegsaday Gaadiidka AMISOM.

0

R.Wasaare SaacidMuqdisho (AGGM): Ra,iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta galinkii dambe lala beegsaday baabuurta AMISOM. Waxaana uu tacsi u diray dhamaan qoysaskii dadkii rayidka ahaa ee ku wax-yeeloobay weerarkaas, ay qaadeen kuwa nabad diidka ah.

“Waan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii dadka rayidka ah ee ku wax yeeloobay weerarkii nabad diidku maanta ka fuliyeen Muqdisho. In micno daro lagu gumaado shacbiga Soomaaliyeed waa nasiib daro aad u weyn, dawladuna dadaal dheeri ah ayay ugu jirtaa in laga hortago dhagar qabayaash, fuliya gumaadyada noocan oo kale ah,” ayuu yiri Ra’iisal Waxaaruhu.

Weerarkan ayaa maanta lala beegsaday baabuurta ciidamada AMISOM xili ay marayeen wadada ka baxda KM4 ee aada dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cade. Weerarka ayaa waxaa gaystay gaari is-miidaamiyay oo beegsaday baabuurta qafilan ee AMISOM. Halkaas waxaa ku dhintay sadex qof oo rayid ah iyo laba qof oo la aamin sanyahay inay weerarka gaysteen, waxaana ku dhaawacmay tiro gaarsiisanilaa lix qof oo rayid ah, inta ilaa iyo hada aan xogteeda hayno.

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com