Ciidamada Kiiniya Oo Shacabka Kismaayo Ku Bilaabay Waydiinta Sharciga Kibandhaha.*Dhagayso*

0

2013_kenya_YouAreAllTerroristsKismaayo(AGGM) Ciidamada dawlada kiiniya ayaa la sheegayaa inay maalmahan gudaha Magaalada Kismaayo ka bilaabeen qorshe aad shacabku ula yaabeen kaasi oo ah inay shacabku haystaan Kibandhe,waxaana la sheegaya inay ciidamadaasi suuqa Magaalada Kismaayo si toos ah u soo galaan isla markaasna shacabka qabqabsadaan isla markaasna ay weydiyaan Kibaandhe ama Katabulushe.

Kibaandhuhu waa sharciga Ama ID Card lagu yaqaan dadka u dhashay dalka Kiiniya isla markaasna cadeynaya wadanimmadda shaqsiga u dhashay wadanka Kiiniya,Arrintan waxaa qaylo dhaan xoogan ka keenay shacabka Magaalada Kismayo kuwaasi oo la yaaban arrintan iyadoo qaarkood aysan aqoon wax la yiraahdo kibaandhe ama aysan maqlin.

Arrintan ayaa lagu yaqaanay gudaha dalka Kiiniya isla markaasna booliska wadanka Kiiniya gudaha wadankooda qaxootiga soomaalida ah ee ku dhaqan waydiin jireen Kibaandhaha iyagoo qofka aan wadan isla markaasna wadanka u dhalan ka qaadan jirey lacago laaluush ah,waxaana la shaacinayaa in talaabadasi hadda ka bilaabatey gudaha Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Xildhibaan dawlada federaalka ah u hadlay oo arrintaasi ka hadlay ayaa shaaciyey in Magaalada Kismaayo u gacan gashay Dawlada kiiniya isla markaasna ay dad muwaadiniinta soomaaliyeed ah gudaha dalka SOomaaliya ku waydinayaan sharciga kiiniya,waxaan xildhibaankaasi eedeyn u jeediyey dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Waxaana Xildhibaankaas oo lagu magacaabo Waqaa yiri ” Aniga idinla hadlaya waan tagay Kismaayo,. dhibkana ma ahan mid qarsoon. Waliba afhayeenka ciidanka kenya waxa uu ka mid yahay (Mugigi ) oo ah koox dadka ku dila dalka Kenya kaasi oo lagu soo qanciyey inuu Soomaalida ciidanka jooga uu afhayeen u noqdo ”.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Waqaa ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay cadaadis ku saarayaan shacabka Soomaaliyeed ku dhaqan magaalada Kismaayo ay qaateen Sharciga Dal ku jooga wadanka Kenya ee Kibaandhaha, Xildhibaanka ayaa xusay Kenya ay dooneyso in Gobolada Jubadda Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ay hoostagaal Maamulka Nairobi waxa uuna xusay in taasi ay sharaf dhac ku tahay Dowlada Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/xilka.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com