Warsaxafadeed: Shirkii Golaha Wasiiradda Maanta Oo Khamiis Ah,Sharciga Warbaahinta Oo La Meel Mariyey

0

IMG_0202-515x343Muqdisho(AGGM) Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan lagu meel mariyay sharciga Warbaahinta (Media Law).

Kulanka ayaa sidoo kale warbixino looga dhegeystay Wasiirka Warfafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, iyo Wasiirka Adeega Bulshada Drs. Maryam Qaasim kuwaasoo safaro ku tegay dalal dhowr ah oo ay la soo galeen heshiisyo horumarineed.

Gabagabadii kulanka kadib, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge, isaga oo xusay in goluhu ay ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay sharciga warbaahinta, taasoo falanqeyn dheer kadib si buuxda loo meel mariyay.

“Sida aad la socoteen, kulan ballaaran ayaan isugu yeernay qeybaha kala duwan ee warbaahinta bishii Febraayo 9-keedii, waxaana u soo bandhignay howlwadeenada iyo madaxda warbaahinta dalka sharci lagu maareyn doono Warbaahinta, waxaana weydiinay taladooda inay ku biiriyaan sharcigan, weyna ku talo darsadeen bishii May bilowgeedii ayaan ka helnay wixii talo iyo tusaalo ah, waana ku darnay” ayuu yiri Wasiirka oo xusay in qodobada ugu badan ee sharcigani dhigayo ay yihiin kuwii ay soo gudbiyeen bahda warbaahinta si sharcigani u noqdo mid dhaqangal ah oo aan waxba u dhimin dadka ku howlan mihnada saxaafada.

“Runtii marar badan ayaa waxaa dhacday in lagu xadgudbo shuruucda warbaahinta, dawladduna wax talaabo ah ma qaadin, sababtoo ah waxaan sugeynay in sharci la helo si cid kasta ay u hesho xaquuqdeeda” ayuu yiri Wasiirka oo guul ku tilmaamay meel marinta sharcigan, si deg deg ahna loogu gudbin doono Golaha Baarlamaanka si ay u sharciyeeyaan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in ay u suurtagashay in laga qaado xayiraadii garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde International oo muddo 20 sano ay saarneyd xayiraad dhanka duulimaadyada caalamiga ah, haatanse laga qaaday ayna durba ku soo biireen duulimaadyo cusub sida Uganda Air iyo kuwo kale oo mar dhow bilaabi doona.

Wasiirka Wasaaradda Adeega Bulshadu Drs. Maryan Qaasim Axmed oo iyadna safar ku tagtay dalka Turkiga ayaa golaha uga warbixisay heshiis ay la soo saxiixatay dawladda Turkiga kaasoo lagu horumarinayo adeegyada bulshada gaar ahaana Caafimaadka, iyadoo xustay in dhowaan la howlgelin doono Isbitaalkii Digfeer kaasoo ay dawladda Turkigu dayactir iyo ballaarin ku sameysay uuna howlbilaabi doono bisha September ee sanadkan “Isbitaalku wuxuu noqon doonaa Isbitaalka ugu weyn uguna casrisan geeska Afrika, waxa uuna dabooli doonaa baahida caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed” ayay tiri Drs. Maryan Qaasim Axmed oo intaasi ku dartay in dadka caafimaadkooda wax looga qaban waayo gudaha dalka looo qaadi doono Turkiga, kaasoo qeyb ka ah heshiiska.

Gabagabadii, Golaha Wasiirada ayaa Guddi heer wasiir ah u saaray aaska alle ha u naxariistee marxuum Danjire Sayid Shariif Cabdullaahi oo ahaa safiirkii dalka Koofur Afrika ee Soomaaliya, kaasoo labo cisho ka hor ku geeriyooday magaalada Pretoria, waxaana berri aas Qaran loogu sameyn doonaa dalka gudihiisa iyada oo meydkiisa la keeni doono garoonka Aadan-cadde si madaxda Qaranku ugu tukadaan salaada Janaasada kadibna loo aaso.

—-DHAMAAD—

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com