Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole Oo Ku Fashilmay Garabsiinta Hogaamiyaha Raaskaabooni Axmed Madoobe (Sawiro)

0

1003771_616440925041351_1190263897_nMuqdisho(AGGM) Warar aanu ka helnay  qaar ka mid ah saaxiibada  aadka ugu  dhow madaxweyn maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdrixmaan Faroole  isla markaasna aanan magacooda halkan lagu soo  bandhigi karin sababa jira aw-good

Waxay inoo sheegay saaxiibadaas  in uu fashilmay abaabulkii siyaasadeed oo uu ka waday Cabadiraxmaan Faroole gobolada Jubbooyinka  si garab u siiyo Axmed Islaam Axmed Madoobe oo isu magacaabay madaxweynaha Jubbaland iyadoo maamulkaasi ay diidmo cad ka muujisay  Madaxda DFS in ay aqoonsi siiyaan .

Saxiibadda  Cabdiraxmaan Faroole waxay sheegeen sababta  ka danbeeysay fashilka siyaasadeed ee uu ku wajahnaa gobolada Jubooyinka iyo Gedo. Waxayna sheegeen dhowr arrimood oo aan suurta gal ahayn .

Waa midda koowaade Puntland oo ka jitra kacdoon siyaasadeed oo looga soo horjeedo  hab maamulka Cabdiraxmaan Faroole iyo  inta la mabaadiida ah.

Waa midda labaade dhaqaale iyo ciidan  ayuu u baahan yahay dagaalada ka soo cusboonaaday goboladda Jubooyinka mana lahayo intii lagu caawiyay waxa ka badan .

Waa midda sadaxaade  ciidamada Kiinya ee ku sugan kismaayo dagaalkii ugu danbeeyay ku gacan siiyay kooxda Raaskaabooni in laga soo saaro magaalada ciidamadii dowladda , oo dowladda Kenya ku amartay in aanu qaadin mardanbe talaabo gacan qaad oo looga hortagayo ciidamada DFS , iyadoo talaabadaasi ay ka danbeeysay wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mr. Fowsiyo Xaaji Aadan oo warqad cabasha u gudbisay golaha amaanka iyo Amisom .

Waa midda Afraade xaaladda siyaasadeed  ee goboladda Jubbooyinka oo isku badashay jawigii uu qiyaasaayay jawi aan ahayn iyadoo ay midoobeen Beelaha Soomaaliyeed ee dega koonfurta Soomaaliya sidii looga hortagi lahaa  Kooxda Raaskaabooni oo uu soo abaabulay  madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole .

Waa midda shanaade DFS madaxdeeda oo ku adkeeystay inaanu marnaba aqoosan doonin maamulka Axmed madoobe , isagoo Cabdiraxaan Faroole ku celceliyay in la aqoon sado maamulka Axmed madoobe, dowladduna ay go,aan diidmo ah ka qaadatay  dhinaca kalana ka wada sidii ay u hirgelin lahayn maamul iyada hoos taga goboladda Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayeey arrintu ka maraysaa tolow maxaa igu watay tageeradda Jubbaland , iyo mucaarad u abuuridda DFS , isagoo ku taamaya waxaa iiga wanaag badnay sharaf iyo sumcadna aan ka heli lahaa ummada Soomaaliyeed dhexdeeda  in aan tageero nimaadka dowladda Soomaaliyeed iyo hindisaha siyaasadeed ee madax dowladda ay ka wadaan sidii loo soo celin lahaa qaranimadii  dalka Soomaaliya.

1003771_616440925041351_1190263897_nfaroole-iyo-axmed-madoobeFaroole1Faroole1

Source:Somaliinfo.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com